Mudane Madaxweyne: Ardayda Sanaag Ha La Xaal iyo Xaq Mariyo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mudane Madaxweyne: Ardayda Sanaag Ha La Xaal iyo Xaq Mariyo
October 3, 2018 - Written by Reporter:

Somaliland dad badan ayaa TVGA iyo Jaraidka soo gala oo ka cawda dhibaatooyin iyo xaqdarro ay tirsanayaan – aad ayaan dadyawgaa iyo cabashadooda u dhagastaa . Waxa laga yaabaa inay dadkaa cabanaya gar leeyihiin ama inay iyagu gar-daranyhiin. Haseyeeshe, 3 arrinood ayaa muhiim ah: KOW: heerka ay dhabatada laga cabanayaa gaadhsiisantahay amma siday lafa-jab u tahay. LABA: Tirada dadka ay saamayso dhibaatada laga cabanayaa. SADDEX: Cidda cabanaysaa qaabka ay garteeda u naqsatto.

Gobolka Sanaag , gaar ahaan magaalada Ceerigaabo, cabashadii ugu cuslayd ayaa ka soo yeedhay -marka la raaco saddexda miisaan (criteria ) een kor ku sheegay. KOW: 10 arday oo mid waliba 16 sanno hooyo iyo aabbo ku soo dhabarjabeen ayaa si badheedh ah xad-gudubkii ugu waynaa lagula kacay. 10kii kursi ee sanaag looga qoondeeyay 100kii kursi eey Ethipia ku deeqday ayaa meel kale lala maray ( siday ku doodayaan). LABA:Waa khasaare 480 sannadood ku qiimaysan (10x16x3 – arday, hooyo iyo abbo). SADDEX: Reer Sanaag ( Dhaqan, Madaxdii Jaamacadaha iyo Dhalin) waxay qabteen shirar ay si qurux badan usoo abaabuleen . Dood hufan oo hagaagsan iyo hadal qiimo iyo quruxba leh ayay ummddda kula hadleen. Qofkii inuun damiir lahaa arrinka wuu ka gubtay.
Madaxwaye: fariintu waxay tahay : Waxaa la yidhi : Haani Gunbay Ka tollantaa . Madax meel ka sarraysa oo la salaaxaa ma jirto: Dulmiga ardayda Ceerigaabo ku dhacay wax ka qabo. Ciddii dhibtaa gaysatayna ummda ka qabo.

Qore: Xasan Cabi Yare
Hargeisa , Badda Cas

COMMENTS
LINKS