Maxkamadda Sarre Ee Somaliland oo Dhagaysiga Dacwado Ka Biloowday Goboladda Bariga
October 31, 2018 - Written by Reporter:
Burco (WJN)- Maxkamada sare ee Somaliland ayaa waxa ay dhagaysi dacwado ka bilawday magaalada Burco iyadoo halkaasi ay ku dhagaysanayso kuna qaadayso kiisas iyo dacwado badan.
Guddoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland Prof: Aadan Xaaji Cali oo hogaaminayay waftigan balaadhan ee ka socda Maxkamada Sare ayaa faah-faahin ka bixiyay talaabaadan ay Maxkamada sare ugu soo guurtay gobolada bariga.