|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Muuse Biixi oo Wareegto Ka Soo Saaray Xuska Maalinta Shuhaadada SNM
October 24, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-224/102018, ku asteeyey In maalinta 17 October ee sannad walba loo asteeyo in ay noqoto Xuska Maalinta Geesiyaasha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Maalinta Geesiyaasha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Tixgeliyey: Go’aanka Shirkii Golaha Wasiiradda Jamhuuriyadda Somaliland, Shir Lr. 23aad ee 18/10/2018; Markaan Dersay: Ahmiyadda ay Qaranka u Leedahay Xuska Maalinta Geesiyaashii naftooda u soo huray halgammadii kala duwanaa ee xornimada dalka, sida halgankii Daraawiishta, Kacdoonkii Culimada, Aqoonyahanka, Suugaan-yahanka iyo Halgankii Hubaysnaa ee SNM; Waxaan go’aamiyey; In maalinta 17 October ee sannad walba loo asteeyo in ay noqoto Xuska Maalinta Geesiyaasha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. ALLAA MAHAD LEH
Related posts:Daawo:Hantidhawraha Guud Ee Somaliya Oo Daaha Ka Fayday Cida Khaarajisay Wasiirkii Hawlaha Guud Ee S... Dawlada Somaliland Oo Dacwad Ka Dhan Ah Hawada U Gudbisay Caalamka Kuna Hanjabtay Inaan Hawada Somal... Daawo:Gudida Joogtada Ah Ee Golaha Guurtida Somaliland Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Dirirta Ku D... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|