|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Muuse Biixi oo Wareegto Ka Soo Saaray Xuska Maalinta Shuhaadada SNM
October 24, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-224/102018, ku asteeyey In maalinta 17 October ee sannad walba loo asteeyo in ay noqoto Xuska Maalinta Geesiyaasha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Maalinta Geesiyaasha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Tixgeliyey: Go’aanka Shirkii Golaha Wasiiradda Jamhuuriyadda Somaliland, Shir Lr. 23aad ee 18/10/2018; Markaan Dersay: Ahmiyadda ay Qaranka u Leedahay Xuska Maalinta Geesiyaashii naftooda u soo huray halgammadii kala duwanaa ee xornimada dalka, sida halgankii Daraawiishta, Kacdoonkii Culimada, Aqoonyahanka, Suugaan-yahanka iyo Halgankii Hubaysnaa ee SNM; Waxaan go’aamiyey; In maalinta 17 October ee sannad walba loo asteeyo in ay noqoto Xuska Maalinta Geesiyaasha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. ALLAA MAHAD LEH
Related posts:“Abiy Axmed Wuu Deg Degayaa Meeshana Uu Ku Cusub Yahay, Itoobiyana Siday Wax Uga Dhashaan..”Eng Maxa... Xildhibaan Nac Nac Oo Ka Hadlay Dhibaato Ay Shirkada Laydh Ee Sompower Ku Hayso Shacabka Magaalada H... Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Waxbarashada Oo Gaadhay Magaalada Gabiley Iyo Ujeedada Safarkiisa! COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|