|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Muuse Biixi oo Dhaqan Geliyay Xeerka Qandaraasyada Qaranka iyo Kaluumaysiga
October 7, 2018 - Written by Reporter:WAR-SAXAAFADEED: 07/10/2018 Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Dhaqan-galka Xeerka Qandaraasyada Qaranka Xeer Lr. 82/2018 Iyo Dhaqan-galka Xeerka Kalluumaysiga Jamhuuriyadda Somaliland, Xeer Lr. 84/2018. Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/KF-37/808/2018, ee ku taariikhaysan 18/09/2018, ujeeddadiisuna tahay soo gudbin go’aanka ansixinta Xeerka Qandaraasyada Qaranka iyo Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/KF-37/809/2018, ee ku taariikhaysan 18/09/2018, ujeeddadiisuna tahay soo gudbin go’aanka ansixinta Xeerka Kalluumaysiga; Markaan Arkay: Qodobada 75aad iyo 76aad, ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Waxaan soo-saaray; Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Qandaraasyada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Xeer Lr. 82/2018. Iyo Dhaqan-galka Xeerka Kalluumaysiga Jamhuuriyadda Somaliland, Xeer Lr. 84/2018. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi
Related posts:Gudoomiyaha Haayada Qaxoontiga Iyo Taliyaha Ciidanka Laanta Socdaalka Oo Magaalada Baligubadle Ka Dh... Golaha Wasiirradda Somaliland oo Soo Saaray Qodobbo Ku Wajahan Faro-gelinta Soomaaliya Ay Ku Hayso S... Wasiirka Beeraha Somaliland oo Hay'adda ARC Kala Wareegay Ceel-biyood Ay Ka Hirgelisay Banka Wajaale COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|