|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Muuse Biixi oo Dhaqan Geliyay Xeerka Qandaraasyada Qaranka iyo Kaluumaysiga
October 7, 2018 - Written by Reporter:WAR-SAXAAFADEED: 07/10/2018 Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Dhaqan-galka Xeerka Qandaraasyada Qaranka Xeer Lr. 82/2018 Iyo Dhaqan-galka Xeerka Kalluumaysiga Jamhuuriyadda Somaliland, Xeer Lr. 84/2018. Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/KF-37/808/2018, ee ku taariikhaysan 18/09/2018, ujeeddadiisuna tahay soo gudbin go’aanka ansixinta Xeerka Qandaraasyada Qaranka iyo Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/KF-37/809/2018, ee ku taariikhaysan 18/09/2018, ujeeddadiisuna tahay soo gudbin go’aanka ansixinta Xeerka Kalluumaysiga; Markaan Arkay: Qodobada 75aad iyo 76aad, ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Waxaan soo-saaray; Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Qandaraasyada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Xeer Lr. 82/2018. Iyo Dhaqan-galka Xeerka Kalluumaysiga Jamhuuriyadda Somaliland, Xeer Lr. 84/2018. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi
Related posts:Maxkamadda ICJ Oo War Kasoo Saartay Wakhtiga Loo Mudeeyay Dacwadda Badda Ee U Dhaxaysay Kenya Iyo So... "Dacwadda Aanu Faysal Ka Xareeynay Waxay Ahayd In Aanu Noo Noqon Karin Gudoomiye Xisbi Qaran Matali ... Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye Iyo Xubno Wasiiro ah Oo Socdaal Dhuumasho ah Caawa Ugu Hoyday Magaalada ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|