|
|||||
WAJAALE NEWS
“Madaxweyne Muuse Biixi Iskuma Dhigin Inuu Weli Yahay Madaxweynihii Qaranka Somaliland, Waxaanu Weli Isku Arkaa In Uu Yahay Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye”.Siyaasi Mustafe Shiine
October 23, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Guddoomiyihii hore ee gobolada Awdal, Gabiley, Sool iyo Maroodi-jeex Mustafe Cabdi Ciise “Mustafe Shiine” ayaa si adag u dhaliiley khudbadii Madaxweyne Muuse Biixi waxaana uu soo bandhigay gal-daloolooyin ka muuqday khudbadiisii, Isagoona nasiib daro ku tilmaamay in Madaxweyne Muuse Biixi shaki geliyo madaxtinimadiisa. Sidoo kale Siyaasi Mustafe Shiine ayaa waxa uu sheegay in aan Madaxweyne Muuse Biixi looga fadhiyin in uu baaqi ku sii ahaado iska cabin oo ay shacabka reer Somaliland uga fadhiyeen, Isagoona sheegay in aanu weli isku dhigin uu yahay Madaxweynihii qaranka Somaliland oo uu isku arko in uu yahay Guddoomiyihii Xisbiga Kulmiye. Dhinaca kale Siyaasi Mustafe Shiine ayaa waxa uu ku eedeeyay in Madaxweyne Muuse Biixi in uu ku guul daraystay midaynta shacabka Somaliland ee ay ay kala geysay doorashadii xanafta reebtay ee ka dhalatay qabyaaladii lagu ololeeyay dhinac walba. Mustafe Shiine oo qoraal kooban oo uu arrimahaasi kaga hadlayo soo dhigay barta xidhiidhka bulshada uu ku leeyahay ee Facbooga ayaa u dhignaa sidan. “Waa nasiibdaro inteeda la’eg in sagaal bilood kadib uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi shaki gelinaayo madaxtinimadiisa uu EEBBE u gartay inuu noqdo hogaamiyihii 5aad ee dawladnimada Somaliland. Shirkii jaraa’id ee 45 ka daqiiqadood qaatay waxa uu ahaa mid uu odaygu xadhiga ka garaacayay meel hoose ama uu kooxda kaga jiray difaaca oo kubada xaga danbe uu ka soo waabinaayay. Maanta Mudane Muuse loogama fadhiyin inuu weli ku baaqi ahaado wax iska caabin ee waxa shacabweynaha reer Somaliland ay uga fadhiyeen inuu iska dhigo hogaamiyahoodii, tiro kasta oo dooratay, haddana uu u arko inuu yahay madaxweynihii dhamaan dadka reer Somaliland. 45% ee uu qirsan yahay inay ka codeeyeen,una codeeyeen 2da xisbi mucaarid maaha qaar ku qasban inay weli ku soo jiraan dhufayska uu Biixi ka soo bixi la yahay ee waa muwaadiniin xaq u leh inuu isku si u hogaamiyo oo ay shacab ahaan xuquuq siman u yeeshaan fursadaha qarankan laga helo haday waxbarasho tahay iyo saami kasta oo laga helo naaska irmaan ee qarankani lee yahay. Maanta waxa rayalcaamka bulshada reer Somaliland uu intooda badan isku raacsan yahay in madaxweynuhu uu ku guul daraystay mideynta shacabka reer Somaliland ee ay kala geysay doorashadii xanafta reebtay ee ka dhalatay qabyaaladii lagu ololeeyay dhinac walba, hawgu sii liidato xukuumaddii talada haysay ee shacabkeeda u kala abtirisay ee xisbiga Kulmiye. Sidoo kale waxa nasiib darooyinka jira ka mid ah in hadalkiisa 20/10/2018 ee mudane Biixi uu noqday mid sii kala irdhaynaaya shacabka, maadaama uu u ekaa mid isugu jira dafiraad iyo hanjabaad ku jeeda dadka qaar oo saxafiyiinta loogu qaybiyay shuruuc u muuqda in looga dhigaayo dhaar haddii ay is dhaqaajiyaan, iyadoo odaygu uu ku celceliyay “sharciga ayaa la raacayaa “. Madaxeeynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa isla shirkii jaraa’id ku dareensiiyay qodobo dhawr ah oo uu ka hadlay jabnaantooda saxafiyiintii goobta joogtay,kuwaasi oo masuulka hogaanka inoo ah tusay inaan dadka caqligooda la caayi karin, waxana su’aalaha jawaabta ugu filaa ka mid ahaa, kuwa lagu yidhi ” yaad sugaysaa inay arrintan wax ka qabtaana,” Iyo in la taabsiiyay in komishankii ay horey Kulmiye ahaan uga cawdeen in la kala diray, taasi oo jawaab uga dhigay ” waxa la ogolaa madaxweynihii xiligaa “. Taasi oo uu sheegay inaanu isagu raali ka ahayn, halkii uu markii hore dadka ugu dhigayay in sharcigu dabraayo, haddana waxa jawaabtiisu cadaysay in haddii uu la qaato labada xisbi in la kala diri karo komishanka. Si kastaba xaalku ha ahaadee waxa runta biyo kama dhibcaanka ahi ay tahay in madaxweyne Muuse aanu isku dhigin weli inuu madaxweyihii qaranka Somaliland yahay eed moodo inuu weli isku arko gudoomiyihii xisbiga Kulmiye, weliba ee mucaaridka ahaa, haddii aanu arrintan wax ka bedelina waxa aynu nasiib lee nahay haddii aanay dawladnimadu xaraj inaga gelin”. Siyaasi Mustafe Cabdi Ciise “Mustafe Shiine”
WARIYE: XAMSE JIRDE WAJAALENEWS.NET HARGEYSA OFFICE Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|