|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha DDSI Mustafe Cagjar oo Si Cad Isu-hortaagay Qorshe Xal Loogu Raadinayo Cabdi Iley
October 4, 2018 - Written by Reporter:Jig Jiga (WJN)- Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helayno ilo ku dhow dhow Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu is hortaag ku sameeyay dadaal lagu doonaayay in cafis loogu fidiyo Madaxweynihii hore ee maamulkaasi Cabdi Iley. Illo wareedka aanu ka helnay xogtani ayaa sheegaya in Madaxweyne Mustafe Cagjar uu hor istaagay qorshaha Cafiska, isagoo taa bedelkeeda soo jeediyay in sharciga loo madax-baneeyo arrinta Cabdi Iley. Mustafe Cagjar, ayaa dadaalkaasi lagu cafin lahaa ka hor istaagay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka, Ganacsato iyo Odayaal ku xidhan dowlada. Mustafe Cagjar, oo kulan saacado qaatay la yeeshay dhinacyadaas ayaa sheegay in Cabdi Iley uu yahay dambiile sidaa aawgeedna isaga iyo Cafis ay kala fogyihiin. Waxa ay xogtu intaa kusii daraysaa in Mustafe Cagjar uu dhinacyadaasi uga digay inay faragaliyaan arrimaha Cabdi Iley oo uu sheegay inay marayaan meelo adag. Sidoo kale, Mustafe Cagjar waxa uu dhinacyadaasi u cadeeyay in Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Kiiska Cabdi Iley uu ku wareejiyay Xeer ilaalinta Itoobiya, sidaa aawgeed aanu diyaar u ahayn in xiligan uu faragaliyo Kiiska maxbuuska. Mustafe Cagjar, ayaa hore u sheegay in Cabdi Iley uu yahay danbiile u baahan in la mariyo sharciga, isagoo si guud u carab baabay danbiyada lagu tuhmayo isaga iyo Taliyayaal ciidan oo si wada jira loo xidhay. Si kastaba ha ahaatee, Mustafe Cagjar ayaa xeer ilaalinta hore ugu wargaliyay in faragalin la’aan lasoo xidho Kiiska Cabdi Iley oo uu sheegay inuu abuuray cadaalad daro.
WAJAALENEWS DESK JIG JIGA OFFICE WAJALENEWS@GMAIL.COM COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|