“Madaxtooyo Cusub Oo laga Dhiso Galbeedka Hargaysa, Bariga Hargaysana Laga Dhiso G,Wakiilada, Koonfurtana G, Guurtida,Wax Micno ah Oo Ay Soo Kordhinaysaa Ma Jirto” Abwaan Xasan Dhuxul. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Madaxtooyo Cusub Oo laga Dhiso Galbeedka Hargaysa, Bariga Hargaysana Laga Dhiso G,Wakiilada, Koonfurtana G, Guurtida,Wax Micno ah Oo Ay Soo Kordhinaysaa Ma Jirto” Abwaan Xasan Dhuxul.
October 8, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Abwaan Xasan dhuxul laabsaalax ayaa si adag uga hadlay hadal kasoo yeedhay maayarka hargaysa oo shaaciyay in dhismayaal cusub koornayaasha magaalada looga dhisayo madaxtooyada iyo golayaasha baarlamaan kuwaasi taasi oo uu ku tilmaamay in aanay waxba usoo kordhinayn bulshada oo aan ahayn in qorshahan lagu raali galinayo reero

Sidoo Abwaan Xasan Dhuxul ayaa soo jeediyay in kharashka lagu fulinayo dhismayaashan ay ka haboon tahay in bulshada loogu dhiso xarumo caafimaad

Abwaan xasan dhuxul ayaa sidan ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee Facebookga

Wuxuna udhignaa Sidan;

“In Madaxtooyo cusub laga Dhiso Galbeedka Hargaysa, Bariga Hargaysana Laga Dhiso Golaha Wakiilada, Koonfurta hargaysana Golaha Guurtida.

Wax micno iyo Xigmad ah oo Ay Soo Kordhinaysaa Ma jirto, horumarna Laguma Tilmaami Karo, Balse Reeraa lagu Raali galinayaa Waa la odhan karaa!

Kolay Madaxwaynaha kolba Joogaa Xafiis Miis iyo kursi yaalaan Ayuun buu Dalka Uga Talin lahaa, Kiina Wuu haystaa’ Laakiin Hadii Wax Qabad umadeed la Doonayo kharashka Ku Baxaya Dhismayaasha aan Soo Sheegay!

Waxa Ka haboon In Dalka Loo dhiso #Dhakhtar_Wayn oo umada Lagu Daweeyo adeegyada Caafimaad ee uu bixinayaana La mid noqdaan, Dhakhtarada Dunidu adeegyada ay bixiyaan,

Dadkeena Aan Waxba haysan ee Muruq maalka u badani Dhakhyarka wayn imikaba bilaash laguma Daweeyo, Adeegiisa Caafimaadna Waynu ka War Qabnaa Siduu yahay, inta Wax haystaana dadkooda Xanuusanaya markay u Qaadayaan dhakhtarada Dibada Dhibtay ka maraan Waxa ugu yar Vise_Siday u heli lahaayeen

markaa Waxkasta Waxa ka mihiimsan in la Helo dhakhtar umadada ka Dhaxeeya,

Inta Guurti 27 Sanadood umada Hor Fadhida iyo Wakiilo 13 sanadood Soo Taagan

Guryo Loo Dhisayo in Umada La Dhaafiyaa

Ka Roon.

ILaa Dawladaha Hoose/Guurtida iyo Wakiilada sadexdaaba la kala diro oo dalka laga Qabto Mooyee dalkani Taayir Rogimaayo!

Ee Maxaa been La iskugu Sheegayaa

Umad dhan oo riyo ku jirtaynu nahee

Runta ma u Soo noqonaa

QALINKII; ABWAAN XASAN DHUXUL LAABSAALAX

COMMENTS
LINKS