|
|||||
WAJAALE NEWS
Madax-dhaqameedka Iyo Waxgaradka Beel Isku Raacay Musharaxa U Tartamidoona Doorashada Golaha Deegaanka Caasimada Hargaysa.
October 10, 2018 - Written by Editor:Hargeysa(W,N)-Shir Balaadhan oo ay Dhawaan iskugu yimaadeen Beesha Cabane Cabdale Siciid ayaa waxa ay kusoo xuseen Musharaxa u matalidoona doorashada Golaha Deegaanka ee fooda inagu soo haysa.
Beeshan oo kamida beelaha Miisaanka culus ku leh deegaanka Caasimada Hargeysa iyo nawaaxigeeda ayaa waxa ay Musharaxnimada Golaha Deegaanka u xusheen iskuna raaceen inuu u tartamo Engr.Cabdixakiim Maxamed Cali oo kamida Aqoonyahanka firfircoon ee Beesha Cabane Cabdale , oo dhankiisa soo dhaweeyey xulashada Beeshiisu u xulatay inuu u tartamo Doorashada Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargeysa.
Kulankan oo ahaa mid ay iskugu yimaadeen dhamaan Cuqaasha Waxgaradka iyo Aqoonyahanka Beesha Cabane Cabdale Siciid ayaa waxa kamid ahaa cuqaashii madasha joogtay .
Caaqil Axmed Aw Nuux Ibrahim Caaqli Dheeg mahad Maxamud Caaqil C/raxman C/lahi Axmed Caaqil Abshir C/lahi Raage
WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE WARIYE FARXAAN BARKHAD Related posts:Madaxwaynaha JSL Mudane Axmed Siilaanyo Oo Digrayto Ku dhaqangeliyey Xeerka Guddida (Komishanka) Q... 132 Maxbuus Oo Kamid Ah Maxaabiista Ku Xidhan Jeelka Hargaysa Oo Ka Qalinjabiyay Xirfado Kala Duwan, Haayada Xuquuqda Aadamaha Oo Warbixin Kasoo Saartay Xadhiga Duuliye fu,aad Iyo Tacadiga Ay Dawlada J... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|