Laba Qof oo Soomaali Ah oo Si Yaabo Kala Duwan Ugu Geeryooday Dalka Switzerland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Laba Qof oo Soomaali Ah oo Si Yaabo Kala Duwan Ugu Geeryooday Dalka Switzerland
October 2, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN) – Laba qof oo Soomaali ah ayaa ku geeryooday dalka Switzerland, sida ay xaqiijiyeen jaaliyadda Soomaalidu.

Nin dhallinyaro ah oo Soomaali ah ayaa isku dhigay tareen meydka qof kale oo Soomaali ah oo dhaawacyo ka muuqdan ayaa isna laga helay meel wabi ah oo ku taalla magaalada Basel ee waqooyi galbeed dalka Switzerland.

Meydka ninka dhallinyarada ah ee tareenka isku dhigay ayaa la aasay, halka ay wali booliska baadhayaan qof kale oo isna nin ah oo meydkiisa laga helay meel wabi ah.

Mustaf Xaaji Goobdoon oo ka mid ah shaqsiyaadka u dhaq dhaqaaqa Soomalida dalkaas, kuna sugan magaalada Davos ayaa sheegay ilaa hadda ayna boolisku soo saarin warbixin rasmi ah, balse wuxuu sheegay geerida labada qof inay walaac badan ku abuurtay jaaliyadda Soomaalida ee Switzerland.

“Soomaalida waxa ugu weyn ee dhacdooyinkan ay u sababeynayaan waxay tahay in dhallinyarada ay dhibaato maskaxeed ka soo gaadheen safarkii tahriibka ah ee Suudaan iyo Liibiya, iyo dhalliyarada oo qaar ka mid ah inay adeegsadaan balwada.” ayuu yidhi Mustaf Xaaji oo la hadlay idaacadda VOA-da.

Goobdoon, waxaa kalo u sheegay dhacdooyinkii u dambeeyay inay saameyn toos ah ku yeesheen bulshada Soomaalida ee dalka Switzerland , wuxuu ku baaqay jaaliyaddu inay xoojiyaan wacyigalinta dhallinyarada si looga baaqsado dhibaatooyinka ay la kulmaan.

 

COMMENTS
LINKS