|
|||||
WAJAALE NEWS
Komiishanka doorashada ma in la kala diraa, Mise waa in xubno lagu kordhiyo?
October 7, 2018 - Written by Reporter:Komishanka Doorashada Qaranku waa komishan hawl fiican dalka u qabtay, doorashada madaxtooyada ee dalka ka qabteena waxay u hirgaliyeen si fiican. Cid kasta oo doorashadii dalka ka dhacday la socday, indho caafimad qabtana ku eegaysay way og yihiin in aanay wax qalada ayna samaynin. Inta aan ogahay waxaa jirtay laba dhacdo oo xisbiga Wadani u soo jeediyay Komishanka Qaranka: Sida daradeed, waa in si “KU-MEEL GAADHA” loo badalo xeerka Komishanka Qaranka, oo labdani xubnoodna lagu daro. Xusbiga Kulmiye iyo Madaxwaynuhuna ayna taageeran, waana in ayna arintani ku riixin Golayaasha Wakiilada ee aan doorashada ka soo horjeeda. Madaxwayne Muuse Biixi wuxuu xaq u leeyahay in labdani shuruudood uu ku xidho, labda xubnood ee Komishanka lagu kordhinayo: Gaba gabadii, doorashada in la qabto waa mid dan u ah qaranka. Xusbiyada mucaaridkuna way ka faa’iidayaan oo waxay helayaan xubno xusbigooda oo ah oo Golaha Wakiilada iyo Golaha Deganka ka mida. Xusbil Xaakinka iyo Madaxwaynaha waa u dan oo waxaa uu noqonayaa inuu hawl mudo dheer laga war wareegayay oo dhanta qaranku ku jirtay in ay hirgaliyeen. Sida daraadeed, waa in su ku meel gadha labadan xubnood lagu kordhiyo Komishanka Doorashooyinka, xeerkana Komishanka Doorashadana lagu waafajiyo. Marka, wakhtiga Komishanku dhamaadana, waa in la isla qaato sida ugu fiican ee lagu soo xulan karo Komishanka Doorashada Qaranka, iyo tirada ay noqonayaan. Xeer Komishanka oo dalka lagu dhaqo oon la badali karana la sameeyo. Anigu waxaan soo jeedin lahaa in Komishanka Doorashada noqdan 7 xubnood, sida ay iminka yihiin. Laba laba xubnood ooy soo xulan saddexda xusbi qaran iyo hal xubin oo Guurtida soo xulan. Madaxwaynaha iyo Golaha Wakiiladuna ay dib u eegid ku sameeyan. Golaha Guurtida, iyo Golaha Wakiilad waa mudo dhaaf, bilaa sharciya ayay ku fadhiyaan mudo dheer. Sida dartee, Somaliland waxay u bahan tahay in doorashada sida ugu dhakhsaha badan loo qabto, si labadan gole loo badalo. Golaha degankuna waxay noqdeen kuwo lagu khasaray oo hanti ay booban mooye aan aqoon wax qabad. Marka in iyaga lagu badalo kuwa dhama oo ummada waxa u qabta waa loo bahan yahay. Marka waa in cid kasta iska dhaafto damaca ay leeyihiin, oo meel looga soo jeedsado danta QARANKA. Xukuumada waa in ay dulqaad muujiso, si daacadana uga hawl gasho hirgalinta doorasha. Rabitanka doorashadana ay ficil ku darto, sida doorashadu wakhtiga ugu dhakhsaha badan loo qabto. Xusbiyada Mucaaridkuna waa in ay joojiyaan caqabadaha ay doorashada hor dhigayaan oo ka fakiraan siday dadka Somaliland qalbigooda iyo codkooda u hanti lahaayeen.
SOMALILAND HA NOOLATO!!!!!!!!!!!!!!! COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|