Jaamac Shabeel wuxuu hal-hays u lahaan jiray siyaasadu ma naxdo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jaamac Shabeel wuxuu hal-hays u lahaan jiray siyaasadu ma naxdo
October 1, 2018 - Written by Reporter:

Maanta waxaa kawaanka hilibka saaraan oo qawlaystada xisbiga Kulmiye faashkii cidhbaha ku goynayaan JAMAC SHABEEL oo in badan kasoo qayb galay arimo dhagaraysan oo Xisbiga Kulmiye ummadda reer Somaliland horteeda ku sameeyey. Wuxuu maanta ay isku maqaam yihiin ninkii Cabdi Ilay ee Dawlad Degaanka Somalida Ethiopia oo wuxuu Samayn jiray lagu sameeyey.

Qof kasta oo wax xun kula ka a ummad madaakiin ah isagay ku dambaynaysaa oohinta iyo kurbadu. Nebi Mohamed (CSWS) wuxuu yidhi:, DIIB YAAKUL AL QANAMU QAASSIYAH- YEYDU WAXAY CUNTAA NEEFKA ADHIGA AH EE XOOLAHA GOONIDA UGA BAXA EE CIDLADA DAAQA. JAMAC SHABEEL markii iigu dambaysay isagoo mujatamaca tabaalaysan ee dawladnimadii ka xumaatay ku tiiqtiisanaya wuxuu lahaa SIYAASADDU MA NAXDO. JAMAC SHABEEL WUXUU KU DAMBAYNAYSAA FAYSAL CALI WARAABE OO XISBIGII UCID KA DHEGAY TENEG XASHIISH KA SIYAASADDA SOMALILAND.

Somalidu waxay tidhaa haddaad nin waalan ku tidhaa gidaar ka madaxa ha ku dhufanin WUU KU DHUFANAAYAA haddaad tidhaahdo GIDAARKAA MADAXA KU DHUFO KU DHUFANMAAYO AMARKA ILAAHAY.

Xukuumadaha KULMIYE haddaad tidhaa waxaasu wadanka way u xun yihiin ha samaynina markiiba way samaynaya an sidaana waxaa ugu wacan shakhsiyaadka talada GACANTA u gashay baa ah dad ciil ku soo koray iyo cuqdad laakiin h I baal waxay joogay aan waqti kooban.

Somaliland xagga mashaariic da waxay noqotay HAAN GUN LA (HAANTAAN GUN LOO TOLIN BIYUHU KU HAKAN MAAYAAN) HARGEYSA MASHAARIICDA BIYO GELINTA 150 MALLYUUN BAA CAALAMKU GELIYEY WAXNA KAMA SOO NAASA CADDA. Mar walba xaalku waa A JAWCAAN GAAYI WA SHACBAAN RAA IX. MA WALBA GII KA DHEGAY XAARAANTA AYAA TEGAY A OO WAXAA IMANAYA MID XAARAAN U GAAJOONAYSA. Mashaariicdoo dhami lacagta debedda ka timaaddaa debed ay ku noqotaa raadkeeduna in a Djabouti iyadoo cash ah Bay maraa inna Xawaaladahay martaa. Waa wadan ummaddii lahayd iib ku doontahay.

 

Qalinkii:; MBashe (Meerkat)

COMMENTS
LINKS