Jaamac Shabeel oo Ka Hadley Ciidamo Ka Hor Istaagay Xaruntii Xisbiga Kulmiye | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jaamac Shabeel oo Ka Hadley Ciidamo Ka Hor Istaagay Xaruntii Xisbiga Kulmiye
October 6, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Guddoomiyihii golaha dhexe ee xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige “Jaamac Shabeel” iyo xubno ka mid ah golaha dhexe ee xisbigaasi ayaa saaka gabi ahaanba loo diiday inay shirkii ay ku balan sanaayeen ay ku qabsadaan xaruntaasi iyadoo ay gabi ahaanba xaruntaasi xisbiga ay la wareegeen Ciidamo Boolis ahi islamarkaana ay xabsiga u taxaabay qaar ka mid ah warbaahinta.

Jaamac Ismaaciil Cige Jaamac “Shabeel” oo warbaahinta kula hadley mid ka mid ah hoteelada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in arintaasi ay ka mid tahay sharci daradii hore loogu adeegsaday xilka qaadistiisa isagoo qabsoomida shirkaasi uu ku baaqay u sababeeyay awood iyo ciidamo la dul dhigay xaruntaasi.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

COMMENTS
LINKS