Itoobiya oo Qabatay Hub Qarsoodi Ah oo Ka Yimid Suudaan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Itoobiya oo Qabatay Hub Qarsoodi Ah oo Ka Yimid Suudaan
October 30, 2018 - Written by Reporter:

Addis Ababa (WJN)- Ciidamada Itoobiya ee gobolka Amxaarada ayaa waxa ay gacanta k dhigeen hub tiro badan oo ay siday mid ka mid ah Booyadaha Shidaalka Qaada.

Shil gaadhi oo ka dhacay waqooyiga Gobolka Amxaarada ayaa waxa uu horseeday in ciidanka Itoobiya ay gacanta ku dhigaan Hubkaasi.

Warbaahinta maxaliga Itoobiya ayaa sheegtay in gaadhiga booyada ah ay hubka ka soo qaaday dalka Sudan kuna soo jeeday waqooyiga Itoobiya islamarkaana ay qalibmay xili ay la dhuumanaysay Hubka.

Image result for ETHIOPIA oo qabatay hub qarsoodi ah oo ka yimid…

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska isgaadhsiinta dowlad Goboleedka amxarada ayaa lagu sheegay in ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen 97 qoryaha AK47 iyo 1,291 oo bistoolado ah, kuwaasi oo lagu soo qariyay haanta shidaalka.

Waxaa kaloo lagu sheegay war-saxaafadeedka in Hubkaasi la doonaayay in lagu khalkhal galiyo amniga Itoobiya oo imika aad u wanaagsan.

Tahriibinta Hubka waxay caadi uga tahay Waqooyi galbeed Itoobiya si ay isugu difaacan iyo inay u adeegsadan dagaalada deegaanka.

Si kastaba ha ahaatee, tahriibinta hubka Itoobiya waxaa kaloo isticmaala danbiilayaasha si ay ugu geystaan dhac iyo inay u adeegsadan dagaalka lagaga soo horjeedo dowlada.

 

WAJAALENEWS DESK

JIG JIGA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS