|
|||||
WAJAALE NEWS
Halkan Akhri; Maansada “Dawladnimo Ma Beenbaa”! Abwaan Sacad Gadhle.
October 24, 2018 - Written by Editor:Maansada waxaa curiyay Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle,Maansadan oo magaceedu yahay (Dawladnimo Ma Beenbaa ) Midhaha Maansadani xambaarsan tahay oo duurxull ah waxay tilaamayaan sida Bulshada S/land baahi wayn ugu qabto Madax Runta ku hogaamisa oo ku dhaqanta Dastuurka,Sharciga iyo Xeerarka S/land,oo ka dhabaysa la dagaalanka Musuq-maasuqa,kobcinta Maamul wanaaga si Bulshada S/land u hesho Cadaalad iyo Garsoor xaq ah. Waxayna Midhaha Maansadani ku bilaabmayaan sidan := Dawladnimo ma beenbaa ? Ma boobiyo xatooyaa ? Booliga ku naaxbaa ? Dulmi baaxad wayniyo Musuq baahsan kii galay Bilad sharaf ku siibaa ? Ma dadkaagan balanbalay Bayhoofka magansaday Sarif bararrku daashaday Bilo kaga macaashoo Danta guud ku baadhaa ? Baasow hall iga maqan Iyo baadi igu mudan Mudo baafinteedii Dhulka baaxadiisiyo Buuraha dushoodiyo Badahaa u soo maray Wali buuga maansada Baalkeeda kuma darin Cabdiyow badheedhaha Buddhigeeda maansadu Waa barmaamij gaaroo Garashada burhaanta leh Burjigeedu adag yahay Lagu soo bardaanshoo Wanaagay ku baaqdaa Baadilkay la dirirtaa Nabad lagu badhaadhiyo Barkhaday ka talisaa Barwaaqaa ka dhalatoo Dhalintiyo barbaartuna Farxadiyo bishaariyo Bariidiyo salaantiyo Boodada ciyaartiyo Botorkay wadaagaan Marna waa bildhaanoo Waa bayaan abwaanoo Baadi sooc aqooneed Lagu soo bineeyoo Nabarada bukoodiyo Baylahday tilmaantaa Maantana bulaalow Suugaanta baaqa ah Maansada buruudka leh Ball aan kugu su’aalee Dawladnimo ma beenbaa ? Ma boobiyo xatooyaa ? Dulmi baaxad wayniyo Musuq baahsan kii galay Bilad sharaf ku siibaa ? Ma dadkaagan balanbalay Bayhoofka magansaday Sarif bararku daashaday Bilo kaga macaashoo Danta guud ku baadhaa ? Burjuwaasi talin kara Bulsho wayn matali kara Kala baydh hannkoodoo Socod baradka dooroo Bayd gaabka siibaa ? Dhaqan biis haduu jiray Xukun biiska dooraa ? Ma dadkaagan barakacay Boqontooda kala taal Dawo lagu bogsoodiyo Talo kala bakhaylbaa ? Dadka xumaha beeree Bulshadii midaysnayd Boqol qoys ka kala dhigay Xillka culus ku baadbaa ? Anna maanta baasow Mudo baadhistaan waday Maankaygu kama bogan Baandhayna kama dayn Dadka barakacoodiyo Baaba”oodu muuqdee Baraduu awoowgood Boqol sanno ku noolaa Buul aan ka dhisi karin Beerna aan ka qodan Karin Bootadooda dagi karin Talo lagu bogsoodiyo Uga dhigay baxnaanee Cabdiyow ball baandhee Dadka baadiyoobee Tacabkii doraad ba”ay Cashar aan ka baranee Taladoodu boodhkiyo Buladkaa dhex jiifee Burbur dhaqan ku dhacayee Balaayadu la daristee Maskaxduna basaastee Tafaraaruq baahsani Beerkiyo calooshiyo Boga hoose kaga dhacay Talo lagu bahoobiyo Uga dhigay baxnaanay Cabdiyow ball baandhee Waxuu bandhigeedu yahay Tartan baaxad waynoo Baanaha qabiilkiyo Bulsho qaybinteedii Foodka loogu borotamay Ninkastoo ku badiyoo Madaxnimo ku beegsaday Waxuu biiyo mooyee Waxuu biirinaayoo U badheedhayaan jirin Badanaa aduunyada Madax beerta caydhiyo Baahida docdoodii Lagu soo barbaarshoo Booliga ku naaxoo Boobkiyo xatooyada Boholyow u soo qaba Badanaa aduunyada Nin ka baydhay xeerkoo Wax kastoo bulaalow Baryo laga xishoon jiray Buundada ku dhaafoo Balankuu shalay galay Banaan kaga dhaqaaqoo Wacadkiina baal maray Waa duni bardaankii Cadaaladii ka baydhoo Basanbaaska waayuhu Sheeko baralay weeyoo Bulsho waxay tabaysaa Mas”uul baylah tirayoo Barbarkooga joogoo Boogtooda dhayayoo Ceebtooda biiyoo Talo wacan ku biirshoo Meeshaad baneeyaan Talo wacan ku buuxshoo Ka badbaadiyaan jirin Beel=beel la dirirtiyo Balaayada qabiilkii Boqontooda goysee Bawdada ka jabisee Bulshadeena daashaday Waxuu bandhigeedu yahay Bulshadii midaysnayd Bahalaa ku hoos jira Baanado u haystoo Bool=bool u furayoo Taladooda buuqiyo Hadal borobagaandiyo Buun=buunin xoogiyo Bundad wayn ku furayoo Hore looga bixi Karin Cabdiyow ball baandhee Waxuu bandhigeedu yahay Garashaa la bidayee Buudhiga nin saaraa Waxuu baajin karayuu Ku bakhaylaybaa jiray Inkastuu nin baacsaday Sharcigiina baal maray Badawsiga halmaanka leh Mudo badan ku soo hagay Baasow ball faalee Habka looga baxayee Dulmi loogu babacdhigo Murtidana ku soo beeg Bartuu yoolku haystee Bulshadeena lagu dago ? Dhamaad Maansada ( Dawladnimo ma beenbaa ) Ee Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle Gabiley S/land . Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|