“Hal Abuurnimadu Marka Ay Hibada Tahay Isma Qariso Da’na Kuma Xidhanto Oo Waa Sida Cabdiqays Oo kale”Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Hal Abuurnimadu Marka Ay Hibada Tahay Isma Qariso Da’na Kuma Xidhanto Oo Waa Sida Cabdiqays Oo kale”Cali Guray.
October 28, 2018 - Written by Editor:

Hal abuurnimadu marka ay hibada tahay isma qariso da’na kuma xidhanto oo waa sida Cabdiqays oo kale. Heestiisii ugu horaysay ee ka baxday idaacadda Hargeysa markii uu curiyay caruur buu ahaa oo da’diisa waxa lagu qiyaasay inay ka yarayd 16 buuxa. Ruwaayadiisii ugu horeysay markii uu alifayna wuxu ahaa 18 jir oo waa markii uu noqday fanaanka magaciisa la yidhaa Cabdiqays sanadkii 1966kii, halka uu ku noqday ee ka noqday fanaanku markii ugu horeysayna may ahayn Hargeysa uu ka tegay isagoo bahada fanka uu ku dhex jirayna ugu yeedhaan Cabdi-yare saaxiibadiina ay naanayso badan oo kale ugu kala yeedhaan.

Sanadkii 1967kii marka la eego heesihiisa caanka noqday waxa hubaal ah inu markaaba ka gudbay marxaladiisii bilawga fanka hadana sida uu markaa caanka uga ahaa Jabuuti dhulka kale ee soomaalida caan ugamuu noqonin siiba Jamhuuriyaddii Soomaaliyad oo iyada tartanku adkaa waayo waxa noolaa oo xay ahaa kooxdii iyagu bilaabay suugaan faneedka casriga ah ee WALAALO HARGEYSA oo haday halabuurnimo tahay iyo haday laxamin tahay iyo xataa hadii ay luuq iyo cod macaani tahayba aan wakhtigaa cid fankooda hordhiganaysay ama la tartami karaysay aanay jirin. Marka aan lagu darin suugaanta abwaanka ee iyadu “fanka qaarka ah” ee Jabuuti ka midka ah heesihii ugu horeeyay Cabdiqays caanka noqday waxa ka mid ahayd “Ubixii baxayow sawdigan avaarsaday”. Waxa kaloo ka mid ahaa heesihii ku jiray ruwaayddiisii SAREEYE HOOSEE. Waxa ka mid ahaa: Tiiraanyadaadaan habeenki toosaa, Nabsiga hiishaan kula haleelo, iyo Cagta saar waddada; ama sida dadka qaar ay u yaqaanaan: Cidhiblaay Walaal. Afartan heeso marka uu curiyay 1967kii da’diisu waxay ahayd 19 jir.

abwaan cabdi qays

Heesta “Ubixii baxayaay sawdigan abaarsaday” oo uu qaaday AHN eh Maxamed Warsame Qaasaalli markiiba dad baa iyagu fasirtay oo waxay la doonteen xaaladdii siyaasadeed ee markaa jirtay oo waxay ahayd markii Madaxwaynihii ugu horeeyay ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed Aden Cabdulle Cismaan uu xilka ka degay ka dib markii doorashadii Baarlamanka uu kaga guulaystay Cabdirashiid Cali Sharmaarke ee madaxwaynaha noqday. Adan Cadde waxa isaguna la dhacay oo kursigiisii waayay Cabdirazaaq Xaaji Xuseen oo ahaa Raisul Wasaare reer Hargeysana aanay isku fiicnaan jirin mar uu booqasho ku yimidna lagaga mudaaharaaday. Reer Hargeysa iyagu markiiba ninka ay u qaadeen Ubixii baxayow sawdigan abaarsaday wuxu ahaa Cabdirazaaq oo kursigiisii uu kala wareegay Maxamed X Ibraahim Cigaal: Heestu waxay keedahay:

Ilaaheena weyn baa

Amarkiisu fulayaa

Inaad adigu talisaad

Ayaamahan is moodee

Anoo oon kalgacal qaba

Waadigii abaallaay

Iga ootay dhegahee

Waa aduunyoo

Illeen aayo ma lahee

Ubixii baxayaay

Sowdigan abaarsaday

Nabsi waa aleel cuna

Adhaxda iyo feedhoo

Waa mici abeesoo

Aayaha ku legadee

Ma iloobin goortaad

Nabaddeeni aasteed

Arxan iga fogaysee

Waa aduunyoo

Illeen aayo malahee

Ubaxii baxayaay

Sowdigan abaarsaday

Ugbaadka iyo doogay

Adduunyadu ku naaxdaa

Urshi malaha meeshii

Udub lagu tilmaamaa

Laba eefka dhaaxaad

Afar qaaday socodkee

Haddaad uub ka lulataa

Waa aduunyoo

Ileen aayo malahee

Ubaxii baxayaay

Sawdigan abaarsaday

Xidigaygii aasnaa

Ururkuu ku biiroo

Soo celi iftiinkoo

Ili qabatay weeyee

Alla magane waan rabay

Inay kugu adkaatood

Cidna eersan weydee

Waa aduunyoo

Qosol kuma idlaatee

ila arag ax iyo way

Inay urugo leedahay

Ilyaas C. Carte

QALINKII CALI MAXAMED YUUSUF (CALIGURAY)

COMMENTS
LINKS