Gudoomiyaha Hay,ada Shaqaalaha Dawlada Mudane: Sharmake Geelle, Shamac U Daaran Dhalinyarada Somaliland. Qalinka: C.S.F(Jeesto). | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Hay,ada Shaqaalaha Dawlada Mudane: Sharmake Geelle, Shamac U Daaran Dhalinyarada Somaliland. Qalinka: C.S.F(Jeesto).
October 30, 2018 - Written by Editor:

Gudoomiyaha hay,ada shaqaalaha Dawlada Jamhuuriyada Somaliland waa wiil dhalinyaro ah, Oo ku sifoobey dhiiranaan, dhibirsanaan iyo dheehasho horumarineed taasi oo la xidhiidha koboca ama korodhka hanaaneed ee laga dhugan karo maanta hay,adaha Shaqaalaha Dawlada, Inta aanen u galin mawduucayga aan kaga hadlayo maanta Gudoonka hay,ada shaqaalaha Somaliland Mudane: Sharmaarke Axmed Muxumed Geele, Hore waxaan uga qorey maqaalo afef kala duwan ku qoran oo talo iyo hoge-tusaaleyn isugu jira, Hadaba waxaan ka marag kici doonaa hadii Eebe Idmo karaamooyinka ama kaalin-galka masuuliyad kasnimo ee aan ku arkey mudadaan is naqaaney.

Sharmarke geele mid waan ku hambalyeynayaayoo waa masuulkii ugu horeeyey ee abid aan ka balano dan guud isagoo sideediina uga soo dhex mudhay amaba aan idhaahdee gutey waajibaadkii kaga beegnaa, Waxa uu saaka oo ay Salaasa aheyd munaasibad nagala soo qayb galey jaamacada Tima,ade University Gabiley, Isaga oo ka soo baxay markaa munaasibadii machadka shaqaalaha dawladu ay ku qalin-jabinayeen oo uu markuu soo dhamaystay Gabileyna Soo aadey, Halkaa waxa kaaga muuqda culays safar iyo xili danbe in aad soo haahaabato balse waxaasi maysan dhibin, Wuxuu aad u xusay iney ku wayn tahay imaatinka gabiley jaamacadeeda wax walba oo la soo darsana uu yada ka horu-marinayo, Mr.geele ayaa isagoo hadalkiisa sii wata Ardeyda la wadaagey qudbad qiimo badan oo ay qiiro ku ladhan tahay dhinaca nolosha bani-aadamka.

Gudoomiye geele waxaan marag uga nahay inuu soo ajiibey baaqii iyo kalgacaylkii dhalinyarada reer gabiley u qabeen, Uguna han weynaayeen inuu la qaybsado rumaynta rajooyinka ay naadinayeen dhalintu kuwaasi oo salka ku haya isbaddelada mustaqbalka, Xaqiiqatan waxaan ku arkey hogaamiyahaa dhalinyarada ah dhibsasho la,aan aan dhayalsanayn balamaha dhalinta lagu dar-dar galinayo, Sidoo kale waxa uu la qaataa mudo fara-badan la joogida dhalinta iyo qancinta waxay tabanayaan waxaad moodaa naxariistana hooyo nuujinaysa ubad abaydin ah sida ay u damqato ama ay ugu darerto ayuu u yahay dhalinyarada iyo dhamaan shacab-weynaha reer Somaliland ee xasaanada masuuliyada shaqada u huwan yahay, Waa masuul ku suntan ikhtiraacid iyo abuurid sancooyin kala duwan oo la xidhiidha taaba-galinta hay,ada shaqaalaha dawlada Somaliland.

Gudoomiyaha hay,ada shaqaaluhu waxa uu muunad iyo muraayadba u yahay dhalinyarada waana masuulka ugu sareeya dawlada inta magaca dhalinyarada sidata, Hadaba muga ama hal-beega lagu cabirayo dhalinta waxase ifafaalihiisu muuqataa in la aaminay dhalinta marka la arko bar-baarta sida sharmaarke oo kale ah, Isaga oo naftiisa u hurey una hagar-baxey kor u qaadida sumcada da,yarta ku soo foolka leh saaxada isku soo wada dabaaloo gudoomiye Sharmarke Axmed Muxumed Geele inuu yahay hogaan suubaan oo sida shamaca uga dhex ifaya dhamaan masuuliyiinta iyo waliba dhigiisa qaranka u adeega, Waan ku hambalyeynanaa waanen ku garb taagan nahay Waxaanen leenahay gudoomiye ilaahey miisaan ka xasanaadka ha kuugu daro.

Guntiyo gaba-gabada waxaan ku af-meeri Gudoomiyaha Hay,ada Shaqaalaha Dawlada Somaliland laga bilaabo maanta waan ku garab taagan nahay hal-curin kastoo uu dalka ku soo kordhiyo, Ka markaan aragnay ama aan darisnay kartidiisa qofnimo, Keydkiisa tamareed iyo waliba tayeynta uu habeen iyo maalinba la hiigsanayo hay,adiisa iyo bay.ada ay ka shaqayso, Runtii waxaad aragtey ayuun baa muhiima inaad qeexdo waar hooy ninkaasi waa milic inaga dhex mudhaysee yaan laga maagin, Halyeyga tiisa sii hasha seegtayna u hagaaji , Walee masuul talo qaata waliba wax ku baddalo isaga ka hor lamaan wadaagin talo, Taasaan maanta ku bogaadinayaa uguna holadey inaan u hindiso qormo, Guul iyo gobanimo ama qumanaan midho-dhala ayaan isu ognahay Gudoomiye Sharmarke geelle abti gobtu ma dhuumato.

Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

Diplomatic Annalism.

Gabiley/Somaliland.

COMMENTS
LINKS