Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland oo Ku Dhawaaqay Shirkada Ku Guulaysatay Dhismaha Xarunta Kaydka Raashinka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland oo Ku Dhawaaqay Shirkada Ku Guulaysatay Dhismaha Xarunta Kaydka Raashinka
October 7, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Gudida qandaraasyada qaranka Somaliland ayaa waxa ay maanta ku dhawaaqeen shirkada ku guulaysatay qandaraska dhismaha ee xarunta kaydka raashinka.

Munaasibadan lagu shaacinayay shirkada ku guulaysatay qandaraskan ayaa waxa ka soo qayb galay xubno ka socda gudida qandaraasyada qaranka, Maareeyaha Hay”adda kaydka raashinka iyo ka hortaga aafooyinka iyo Shirkadaha ku tartamay qandaraaska kaydka raashinka.

Ugu horayn waxaa hanaankii uu soo maray qandaraaskani ka warbixiyay Agaasimaha guud ee Hay”adda Qandaraasyada Qaranka Somaliland Jamarte Saadle iyo Maxamed Xayd Diiriye “Dibjir” oo ka mid ah xubnaha gudida qandaraasyada qaranka

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

COMMENTS
LINKS