Guddoomiye Cirro oo Xukuumada Ku Eedeeyay Dagaal Beeleedka Gobolka Sool, Kana Hadlay Buugii Uu Qoray Xirsi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiye Cirro oo Xukuumada Ku Eedeeyay Dagaal Beeleedka Gobolka Sool, Kana Hadlay Buugii Uu Qoray Xirsi
October 28, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” oo maal mihii u danbeeyay safar ku joogay dalka Ingriiska ayaa waxa uu markii ugu horeysay ka hadley buuga uu qoray hogaamiyaha xisbigaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa waxa kale oo uu ka tibaax bixiyay daraasad qoto dheer oo lagu sameeyay sababihii keenay in xisbigu ku soo bixi waayo doorashadii dalka ka qabsoontay.

Sidoo kale Guddoomiyaha xisbiga Waddani ayaa waxa uu xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyay inay sabab u ahayd dagaal beeleedkii dhimashada iyo dhaawaca badan sababay ee ka dhacay deegaanka Dhumay ee gobolka Sool.

Cirro ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in aanu xisbigoodu marnaba ka qayb geli doonin doorasho ay qabtaan gudida wakhtigan jooga ee Koomiishanka, Isagoona sheegay in xukuumada  Madaxweyne Muuse Biixi ka caga jiidayso inay dalka ka qabtaan doorashooyinka Wakiilada iyo Deegaanka.

WARIYE: XAMSE JIRDE

WAJAALENEWS.NET

HARGEYSA OFFICE

COMMENTS
LINKS