Golaha Ammaanka oo Ka Baaran Dagaya Warbixin Laga Soo Saaray Xaaladaha Eritrea iyo Soomaaliya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Golaha Ammaanka oo Ka Baaran Dagaya Warbixin Laga Soo Saaray Xaaladaha Eritrea iyo Soomaaliya
October 27, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Guddiga Qaramada Midoobay ee la socodka xaaladaha dalalka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa yeeshay wada xaajood aan rasmi ahayn oo ay ku eegayaan warbixinadii ugu dambeeyay ay guddiga soo saareen.

Guddiga ayaa soo dhaweeyay dadaalada dowladda federaalka ee Soomaaliya ee ah sida ay ugu hoggaansatay inay qayb kamid ah la qaado xayiraadda hubka isla markaasna ay ugu baaqday inay si ambaqaado tallaabadan.

Guddigan dusha kala socdo xaaladaha Eritrea iyo Soomaaliya ee (SEMG) ayaa ka codsaday dowladda Soomaaliya inay kala shaqayso xidhidhiika kala dhexeeyo guddiga si loo dardargeliyo dadaallada nabadda, xakamaynta dhoofinta dhuxusha iyo hubka.

Waxay sidoo kale sheegeen in xayiraadda hubka ay ka qayb qaadatay xaddidaada hubkii gacanta u geliyay ururka Al Shabaab.

Waxyaabaha ay guddiga (SEMG) ay la socdaan waxaa kamid ah xakamaynta dhoofinta dhuxusha dalka Soomaaliya

Guddiga Qaramada Midoobay ee xaaladaha Soomaaliya waxay soo dhaweeyeen horumarada siyaasadeed ee laga gaadhay geeska Afrika oo uu gadhwadeenka ka yahay ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Xubnaha guddiga ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leeyihiin dadaallada dib usoo celinta xidhiidhkii diblumaasiyaadeed ee Eritrea iyo Jabuuti, waxayna ugu baaqeen inay sii wadaan wadahadallo wax tar leh.

Warbixinta kama dambaysta ah ay soo saareen guddiga Qaramada Midoobay ee la socodka xaaladaha Soomaaliya iyo Eritrea ayaa la filaya in loo gudbiyo golaha ammaanka 8 bisha November.

Guddiga SEMG ayaa la socdaa xaaladaha Soomaaliya iyo Eritrea oo ay kamid yihiin baadhitaanada xayiraadda hubka,xakamaynta dhuxusha, dhaqaalaha iyo hawada.

 

COMMENTS
LINKS