|
|||||
WAJAALE NEWS
Ganacsatada Soomaalida oo Ka Guuraya DUBAI iyo Laba Dal oo Kale oo Ay U Wareegayaan
October 15, 2018 - Written by Reporter:Dubia (WJN)- Ganacsatada Soomaalida waxa uu si weyn ugu tiirsanaa dalka Imaaraadka Carabta, gaar ahaan magaalada dekedda ah ee Dubai, hase ahaatee, hadda, waxa ay u muuqataa in is bedel aad u weyn ku timi arrintaas. Qaar ka mid ah ganacsatada waa weyn ayaa sheegay in boqolkiiba sideetan (80%) ganacsatada Soomaalidu ka guureen Imaaraadka Carabta iyaga oo u wareegay dalalka China iyo Turkiga. Ganacsatada u oo warramay Warbaahinta qaar ka mid ah ayaa ku sugnaa Imaaraadka Carabta laga soo bilaabo 1996 ilaa iyo maanta waxa ayna ka warrameen sababtii keentay in ay ka guuraan Dubai oo ay u diga rogtaan China. Qodobka kowaad ayey ku sheegeen in dalka China is fur furay oo ay ogolaadeen in dalkooda la galo, taas waxa ay fududeysay in ganacsatada Soomaalida ah iyo kuwa kale ee Africa ay guuraan. Waxyaabaha ku dhaliyey ayey ku sheegeen in maraakiibtii China ka imaan jirtay markii hore ku soo xidhan jireen Dubai halkaas kaddibna loo soo rari jiray dekedaha Soomaaliya oo ay ku imaan jireen muddo ay ugu yartahay 15 maalmood. Hase ahaatee, hadda, waxa ay maraakiibta China ka soo baxa imaan doonaan Cumaan oo iyaduna maraakiibta iyo doonyaha ka yimaada ku soo gaadhayaan Soomaaliya iyo Jabuuti saddex maalmood. Ugu dambeyn, ganacsatada Soomaalida ee wareysiga gaarka ah siiyey Warbaahinta Maxaaliga ah ayaa xaqiijiyey in hadda Imaaradka Carabta ay uga baryayaan ganacsatada Soomaalida si ay u sii joogaan dalkeeda.
WAJAALENEWS DESK HARGEYSA OFFICE WAJALENEWS@GMAIL.COM
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|