Gabdho Soomaali Ah oo Meydkooda Laga Helay Magaalada Chaska ee Gobolka Minnesota | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gabdho Soomaali Ah oo Meydkooda Laga Helay Magaalada Chaska ee Gobolka Minnesota
October 15, 2018 - Written by Reporter:

Minnesota (WJN)- Labo gabdhood oo Soomaali ah oo da’yar ah oo habeenkii Sabtida ahayd xilli ay guryahooda u soo hoyanayeen lagu waayay magaalada Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa hadda meydkooda la helay.

Gabdhaha oo ilmaadeer ahaa, laguna kala magacaabo Busha Cabdi iyo Saynab Cabdalla ayaa la sheegay in meydadkooda laga helay meel balli ah.

Wararku waxaa ay sheegayaan in gaadhi ay wateen labadan Gabdhood sida la sheegay uu ku dhacay Haro ku taalla duleedka magaalada Chaska, iyada oo si deg deg ah aysan u helin gargaarkii loogu tala galay, kadib markay garaaceen telefoonka gargaarka dagdaga ama 911 ayuu markiiba go’ay sida uu sheegay taliyaha booliiska Chaska Scott Knight.

Labadan gabdhood da,doodu ahayd 19 jir dugsiga sare ka baxay sanadkii hore,labodoodu waxay ahayeen qaraabo iyo saxiibo isla koray, lama oga waxa ka danbeysay in gaadhiga uu halkaa ka dhaco waxaa socda baadhitaan la xidhiidha sababta geeridooda keentay.

Xamza Warfaa oo ka mid ah qoyska gabdhaha geeriyooday ayaa VOA u sheegay in gabdhahan ay ahaayeen kuwa ka qalin jabiyay dugsiga sare, islamarkaana shaqeysta, ilaa haddana aysan qabin tuhun ah in gabdhaha loo hanjabay, wuxuuna tilmaamay inay ka war sugi doonaan baadhitaanada booliska.

Soomaalida ku nool gobolka Minnesota ayaa aad uga murugooday dhacdadan, waxayna booliska ka dalbadeen in arrintan baadhitaan dheeraad ah lagu sameeyo.

bush--696x392gabdho gabdho2 gabdho3 gabdho4 gabdho5

 

COMMENTS
LINKS