Duufaano Laga Cabsi Qabo In Ay Markale Ku Dhuftaan Deegaanada Xeebaha Waqooyi ee Somaliland iyo Salaadiin Baaq U Diray Xukumada
October 11, 2018 - Written by Reporter:
Borama (WJN)- Qaar ka mid ah Salaadiinta iyo Waxgaradka deegaanada xeebaha waqooyiga gobolada Awdal iyo Salal ayaa waxa ay ka hadleen duufaano ku soo wajahan xeebahaaasi, waxaanay xukuumada Somaliland ugu baaqeen inay gacan ka siiso soo rarida dadka ku nool deegaanadaasi oo laga cabsi qabo in markale duufaanadaasi wax u gaystaan.