Dowladda Soomaaliya oo Ballanqaad U Sameysay Carruurtii Ku Agoomow-day Qaraxii Zoobe | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dowladda Soomaaliya oo Ballanqaad U Sameysay Carruurtii Ku Agoomow-day Qaraxii Zoobe
October 14, 2018 - Written by Reporter:

Muqdisho (WJN)- Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo ka qayb galay munaasibadda baroor diiqda ee xasuustii masiibadii October 14, 2017, ayaa faray wasaaradda waxbarashada in waxbarasho lacag la’aan ah ay siiso dhammaan caruurtii waalidiintooda lagu laalay weerarkaas.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ka dalbaday guddiyadii ka qayb qaatay gurmadka loo fidiyay dadkii dhibaatadu ka soo gaadhay weerarka in ay wasaaradda waxbarashada u gudbiyaan liiska caruurta waalidiintoodii ku waayay weerarkaas.

Xasan Cali Khayre wuuu intaa ku daray “in kooxda arxan laawayaasha, diin laawayaasha ahi ayna oggolayn in naftooda qarxiyaan, sidoo kale caruurtooda ayna u oggolayn in ay is-qarxiyaan”

Hase yeeshee, caruurta Soomaalida ay u adeegsadaan fulinta qaraxyada iyo weerarada ay ku daadinayaan dhiigga ummadda Soomaalida.

Ra’iisal wasaaraha ayaa wuxuu umadda Soomaalida uu uga baaqay “iney dhinac uga soo wada jeestan la dagaallanka kooxaha nabaddooda wax u dhimaya oo mar kale ayna ku qaldi karin fikirka gurracan ee ay ku bannaysanayaan dhiigga ummadda Soomaalida.”

Kooxaha argagaxisada weerarki ay October 14, 2017 ay u gesysteen umadda aan waxba galabsanin waxay moodayeen iney ku wiiqayaan dowladnimada dalka Soomaaliya, hase yeeshee taa bedelkeeda dadka Soomaalida waxa ay ka heleen ayuu yidhi Midnimo, horumar, deeqsinimo, gacan furnaan, dal jacayl cusub, iyo in meel looga soo wada jeesto fikirka gurracan ee kooxaha nabad diidka.”

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEYSA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS