Dilka Jamaal Kaashogji: Isbadallo Ma U Horseedi Karaa Siyaadda Bariga Dhexe? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dilka Jamaal Kaashogji: Isbadallo Ma U Horseedi Karaa Siyaadda Bariga Dhexe?
October 28, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Dilka weriye Jamaal Khaashogji wuxuu cakiray xidhiidhka diblumaasiyadeed ee u dhexeeya Sucuudiga iyo Turkiga.dhacdadan,waxay madax xannuun ku reebtay dhammaan dalalka reer galbeedka ee siyaasaadda iyo arrimaha gancsiga kala dhexeeyo Sucuudiga, waxayna soo bandhigtay dabeecadaha dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan oo doonaya in sannooyin soo socda uu xukumo boqortooyada Sucuudiga.

Arrinta dilka weriyaha weli waxay ka dhex aloosantahay gudaha Mareykanka, maamulka Trump waxay u muuqata inuu ku rajo wayn yahay in la iska ilaawo sheekada ku aadan dilka Jamaal Kaashogji, waxaa jiraa baaqyo caalami ah oo ay siyaasiyiin sar sare kasoo afuufayaan magaalada Capitol Hill kuwaaso ay ku biireen khuburro Sucuudiga u dhashay oo soo jeedinaya in qiimayn hor lagu sameeyo xidhiidhka Sucuudiga iyo Mareykanka.

Iyadoo ay socdaan baadhitaanada lagu baadigoobayo maydka Khaashogji, haddana, su’aasha la is weeydinayo ayaa ah yaa dilay? Inkastoo laga yaabo in aanan la ogaanin arrintaasi.

Caddeymaha ilaa hadda la hayo waxay muujinayaan in dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan uu wax ka ogaa dilka weriyaha.

Inta badan awoodaha qoyska boqortooyada waxaa gacanta ku haya Maxamed Bin Salmaan, dadka hadda looga shakinsan yahay dilka waxay hoos tagaan isaga, khuburrada ku sugan Sucuudiga waxay rumaysan yihiin inay suurogal ahayn in la fuliyay dilkan iyadoo aysan ammaro kasoo bixin maamulka sare ee boqortooyada.

Inta badan waxaa laga dhuur sugaya, inta ay gaadhsiisan yihiin caddeymaha ah in Maxamed Bin Salmaan uu si toos ugu lug lahaa dhacdada.

Turkiga muxuu ka qaban doona dilka Jamaal?

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan wuxuu caydhsanaya dhaxal sugaha sida Bisadda ay u caydhsato Jiirka.

Recep wuxuu doonaya inuu xalliyo qalalaasaha isagoo raadinaya waddo sharci oo lagu maxkamadeeyo dadka lagu tuhunsan yahay dilka Khaashogji, wuxuuna farta ku fiiqaya dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan.

Turkiga iyo Sucuudiga waxay door muhiim ah ku leeyihiin dhaqaalaha iyo siyaasadda gobolka, labaduba waa dalal Sunniyiin ah, waxay doonayaan inay majaraha u qabtaan hogganka dalalka Bariga Dhexe.

Erdogan waxay u noqonaysaa inuu adkeeyo arrimaha dalkiisa taaso u horseedi karto inuu xoojiyo xidhiidhka kala dhexeeyo Mareykanka.

Xidhiidhka xukuumadaha Washington iyo Riyadh kuma salaysno oo kaliya ah heshiisyada hubka, waxay lahaayeen xidhiidh soo jireen ah oo ay isu la wadaagaan muhiimadda straatiijiyadda gobolka iyo iskaashi dhanka xoojinta ammaanka.

Arrinta shidaalka ayaa ka qayb ah xidhiidhkooda, Mareykanka qudhiisa kuma tiirsano oo kaliya ah shidaalka ceydhinka ah ee Sucuudiga, boqortooyada waxay ku tiirsan tahay dhaqaalaha kasoo gala shidaalka.

.

Isbaddallada uu wado dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan waxay horseedeen tallaabooyin dhibaato leh, wuxuu mas’uul ka ahaa in Sucuudiga uu go’doomiyo Qatar , afduubkii ku meel gaarka ah ee lagu sameeyay ra’iisal wasaarihii Lubnaan iyo dagaalka Sucuudiga uu ka wado Yemen.

Howlgalka uu Sucuudiga ka wado Yemen wuxuu dhaliyay waxyeelleenta rayidka iyo maacluul dalkaasi ka taagan, waa sida Mareykanka uu qabo, siyaasadda dhaxal sugaha waxay kasoo horjeedaa fikradda ah suggida amniga dalka Yemen.

Xaaladda ayaa sii xumaatay sababtoo ah maamulka Trump wuxuu gogosha dhigtay guriga Maxamed Bin Salmaan.

Trump wuxuu doonaya saddex arrimood, inuu ka caawiyo dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeedho argagixisada gobolka, wadahallada Falastiiniyiinta iyo Israa’iil iyo in Sucuudiga ka qayb qaato dadaallada maamulka Trump ee ku aadan xoojinta cunaqabataynta dhaqaale ee saran Iiraan.

Ma laga yaaba in Sucuudiga uu xakameeyo ninka sida xowli ah ku socda?

Toddobaadkii lasoo dhaafay shirkii ganacsiga ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Riyadh waxaa si kalsooni ay ku dheehantahay u shir guddoominayay Maxamed Bin Salmaan oo ay u muuqatay in dalkiisa aysan waxbo ka qasnayn.

Ruushka wuxuu sheegay inuu ka dhuur sugayo baadhitannada socda isla markaasna la aamino hadalka Sucuudiga uu kasoo saaray dilka Kaashogji, xukuumadda Moscow waxay ku rajo wayn tahay in mustaqbalka Sucuudiga ay la gasho heshiis dhanka hubka ay uga iibinayso.

Madaxweyne Vladimir Putin wuxuu doonaya inuu xoojisto danaha uu ka leeyahay dalalka gobolka.

Reer galbeedku,waxay ogyihiin in hubka inuu yahay seef labo af leh, balse waxaa uga darran dhaqaalaha ay ka helayaan, Sucuudiga inaba kama maarmo hubka uga yimaada reer galbeedka.

Hubka, khuburrada iyo la-taliyeyaasha reer galbeedka ayaa sababay in diyaaradaha Sucuudiga ay weli duqeyn ka gaystaan hawada dalka Yemen.

Saaxibada Mareykanka ayaa ku kala aragti duwan hubka ay ka iibiyaan Sucuudiga, hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel waxay hakisay hubkii ay ka iibin jirtay Sucuudiga si loo eego dambiyada dagaal ee laga gaystay Yemen. Dalka Faransiiska ayaa ku raacay Jarmalka tallaabadaasi.

 

Source: BBC SOMALI

COMMENTS
LINKS