|
|||||
WAJAALE NEWS
Dhaxal Sugaha Sucuudiga oo Wacad Ku Maray In La Ciqaabi Doono Dadkii Ka Danbeeyay Dilkii Weriye Jamaal Kaashogji
October 24, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed bin Salmaan ayaa wacad ku maray in la ciqaabi doono dhammaan dambiilayaasha ka dambeeyay dilka Weriye Jamaal Kaashogji. Maxamed bin Salmaan oo ka hadlayay shirka ganacsiga ee ka furmay magaalada Riyadh wuxuu sheegay in dilka Jamaal uu ahaa mid xannuun ku reebay dhammaan dadweynaha Sucuudiga. Sucuudiga ayaa horre u beeniyay eedeymaha ah in dhaxal sugaha uu wax ka ogaa dilka weriye Jamaal Kaashagji oo lagu dilay qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul. Waa markii ugu horraysay ee uu si rasmi ah uga hadlo arrintan tan iyo markii Sacuudigu uu qirtay in Khashoggi lagu dhex dilay qunsuliyadda. Waxa uu sheegay in dilku uu ahaa “Dambi bahalnimo ah oo aan marmarsiiyo loo raadin Karin” wuxuuna ballan qaaday in “Kuwii ka dambeeyey fal dambiyeedkaas lala xisaabtami doono … ugu dambayntana caddaalada la hor keeni doono” Waxa uu sheegay in Turkiga ay wadashaqayn wanaagsan lahaayeen, asagoo intaas ku daray: “Dad badan ayaa iskudayaya in ay ka faa,idaystaan xaaladdan xanuunka badan si ay ukala geeyaan Sacuudiga iyo Turkiga. Waxaan doonayaa inaan farriin u diro: Waligiin ma awoodi doontaan in aad sidaas yeeshaan
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|