Dambigaasi Cid Leh Mooyi. “Anigu Waxba Ma Xadin, Tolkay Baan U Yeedhanayaa” W/Q Barkhad-ladiif | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dambigaasi Cid Leh Mooyi. “Anigu Waxba Ma Xadin, Tolkay Baan U Yeedhanayaa” W/Q Barkhad-ladiif
October 21, 2018 - Written by Editor:

Dhacdooyinka Suuqa ka Dhaca Way badan Yihiin Waalinba Wax kaa Yaabiya ayaad la kulmaysa, saaka waxa iga hor yimid hooyo weyn oo barooranaysa oo ku qalinaysa anigu waxba ma xadin, tolkay baan u yeedhanayaa, iyo hadalo aan fahmi waayey, waxaan isku dayey inaan fahmo, laakiin sidii qof maskaxdu isku dhufatay ayey kolba laamida dhinac u boodaysay, waxaan ka fahmay mobilekaygii baa la iga xanibay oo la leeyahay waxbaad xaday.

Waxaan u fahmay in mobilekeedii tuug dhex marsatay lacag oo imika waxa soo baxday tuug mobilekaaga intay lacag ka dirsadaan qof kale u dirsanaya ka dibna qofkii kale ka sii dirsanaya ka dib qofkii la dhex maray oo aan ogayn ayaa shirkadda Telesom xanibaysa, markii ay aragtay inuu xaniban yahay eyey xarunta tagtay oo loo sheegay in mobilekeeda lacag la xaday loo haysto oo lagu soo shubtay, taas ayey u qaadan wayday maadaama oo qof weyn tahay.

Nasiib wanaag inan isoo garab istaagtay baa ii sharaxday oo tidhi “waxaan joogay xarunta telesom qaybteeda sare markii islaantani soo gashay, waxa inamadii tidhi telefoonkayga xanibane ii hagaajiye, balse waxa lagu yidhi garan maayee hal mar uun bay qaylo ku dhuftay oo dhulkii nala gareeray oo la qaban kari waayey, ka dib iyadoo sidii u qaylinaysa oo la dajin kari waayey ayaan anigu iskaga soo baxay imika waatan sidii u qaylinaysa laamida maraysa”.

Sidii aan u fahmay ayey inantuna iigu sheegtay, marka tuug baa isticmaashay telefoonkeeda oo lacag ay soo xadeen u dirsaday ka dibna ka sii dirsaday, waana waxyaabo imika ku soo kordhay Magaalada Oo Waxay Isticmaalayaan Garan Maysid Ee inta uu Qofku ku yidhaahdo ii dhiib telefoonkaaga ayuu helaya numbarkii sirta ahaa ee sanduuqaaga ka dibna qof kale ku dirsanaya ama meherad ku iibsasho ah, ka dibna qofkii markii uu u tago wuxuu ku odhonayaa lacag baan kugu soo dirsadee lacagtaasi iga soo saar sidaas bay lacagtii mobilekii aan waxba ogayn ugala baxayaan lacagtii.

Qalinkii; Barkhad ladiif cumar

COMMENTS
LINKS