Dagaal Beeleed Markale Ka Qarxay Deegaanka Dhumay ee Gobolka Sool | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dagaal Beeleed Markale Ka Qarxay Deegaanka Dhumay ee Gobolka Sool
October 22, 2018 - Written by Reporter:

Laascaanood (WJN) – Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay tuulada Dhumay ee koonfurta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Dad ku sugan deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in uu Dagaalku bilaabmay salaadii subax ee saaka iyadoo dhawaaqa rasaastu ay hadh beeshay.

Ciidamada duulaanka ku galay Dhumay ayaa ka mid ah laba beelood oo sanadihii u dambeeyey dagaal ku dhexmarayey oo maalmo kahor la soo afjaray colaadii ka dhaxaysay.

Dadka dhintay oo aan ilaa hada si dhab ah loo ogayn inta ay yihiin waxaase dad kala duwan sheegaan in ku dhowaad Labaatan qof dhinteen.

Labadan Beelood oo illaa shan jeer la dhameeyey colaadooda ayaa dhowaan si dhib leh lagu soo dhameeyey balse waxa illaa haatan dadku isweydiinayaan sababta duulaankan oo kii ugu weynaa ah uu ku yimi.

Wararka ugu dambeeyey waxa ay sheegayaan in ay ciidamo xoogle oo ka tirsan ciidamada Somaliland ku sii qulqulayaan degaankaas oo laga cabsi qabo dagaalo lagu riiqdo, welina kama ayna hadlin maamulka gobolka Sool iyo madaxda dhaqankuba.

 

COMMENTS
LINKS