DAAWO; War-Murtiyeed Kasoo Baxay Shirwayne ka Dhacay Dalka Ingiriiska Oo Ay Isugu Yimaadeen Gudidda Guud Ee Somalida Itoobiya Iyo Jaaliyadaha Cardiff & Bristol. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO; War-Murtiyeed Kasoo Baxay Shirwayne ka Dhacay Dalka Ingiriiska Oo Ay Isugu Yimaadeen Gudidda Guud Ee Somalida Itoobiya Iyo Jaaliyadaha Cardiff & Bristol.
October 29, 2018 - Written by Editor:

Cardif(W,N) Warmurtiyeedkii ka soo baxay shirwaynihii ka dhacay Magaaladda Cardiff ee ay isugu yimaadeen Gudidda guud ee Ethiopian Issaq Forum iyo Jaaliyadaha Isaaq ee Cardiff iyo Bristol:

  1. In dhamaan Ciidamadda Liyu Police ka laga qaado dagaanka Isaaq ee Kililka 5aad ama Dawlad Degaanka Somaliyeed laguna badalo police dadka dagaanka ah. Liyu Police ku waa gacan ku dhiiglayaashii 115 qof ee Xoolo dhaqatada ahaa ee isugu jiray Caruurta, Dumarka iyo dad waawaynba si naxariis darra ah ugu xasuuqay Degaankoodii mudadaii 10 ka sano ee u dambaysay.

Liyu Police ka samayntiisu waa sharci darro kumana  jiro Distuurka Dawladda Federaalka Ethiopia. Siddaa daadeed

waxaanu si  mug iyo miisaan leh uga codsanayaa Raiisal Wasaaraha Ethiopia Dr.  Ahmed Aby in la baabi’iyo Liyu Police ka nabadgalyada awgeed. Waxaanu siddaa si la’eeg ka codsanaynaa Madaxwaynaha ku meel gaadhka ah ee Kililka 5, Mundane Mustaf Mohamed in uu isaguna arrintaas na la qaato oo baabi’iyo Ciidanka Liyu Police ka nabadgalyada awgeed.

Waxaanu Dawladda Federaalka Ethiopia iyo Tan Kililka 5 ka doonaynaa Magdawgii (compensation) dadkii ay dileen Liyu Police ku iyo hantidii ay baabi’iyeen iyaka oo ahaa dhaqaale Dawladeed.

  1. Waxaanu si mug iyo miisaan leh u tageersanahay shirarka is dabajooga ah ee ay qabsanayaan Beelwaynta DIREED iyo Beesha ISAAQ ee ka dhicidoona gudaha Ethiopia.
  2. Wuxuu Shirkii Gudidda Guud Ethiopian Isaaq Forum iyo Jaaliyadaha Cardiff iyo Birstol si buuxda u taageerayaa heshiiskii nabada ee dhawaan dawlada Federaalka Ethiopia iyo ONLF ku kala saxeexdeen Asmara.

Waxaanu leenahay ma jirto cid kale oo dagaanada kale ee Somalida ay ku matilayaan ama ay kaga wakiil yihiin.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WAR MURTIYEEDKAN;

Wa billahi tawfiiq

Gudoomiyaha Guud ee

Ethiopian Isaaq Forum

Haji Ahmed .A.Jama

COMMENTS
LINKS