Daacish oo Sheegatay Mas’uuliyadda Itoobiyaan Lagu Dilay Boosaaso iyo Wararkii U Dambeeyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daacish oo Sheegatay Mas’uuliyadda Itoobiyaan Lagu Dilay Boosaaso iyo Wararkii U Dambeeyay
October 2, 2018 - Written by Reporter:

Boosaaso (WJN) –  Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyada dilkii loo gaystay xalay 4 qof oo Itoobiyaan ah, sida lugu baahiyay bog taageerra kooxda.

Dilkan ayaa habeenkii xalay ka dhacay xaafadda ay ku badanyihiin ajanabiga gaar ahaana Itoobiyaanka ee Saantoos oo ku dhow dekedda magaalada Boosaaso.

Isla weerarka ayey Daacish ku dhaawacday hal qof oo ajaaniib ah oo imika lagu dabiibayo Cisbitaalka weyn ee magaalada Boosaaso.

Dilalka ayaa ku soo badanaya Boosaaso

Kooxda dilka geysatay ayaa markiiba ka baxsatey goobta ay toogashadu ka fuliyeen oo ahayd meherad ay ku caweynayeen Afarta qof ee weerarka lugu dilay iyo qof kale oo dhaawacmay.

Laamaha amaanka, maamulka gobolka iyo kan degmadaba waxay sheegeen in la wado baaritaan lagu ogaanayo cidda ka dambaysa dilkaas.

Al Shabaab iyo kooxda daacish oo iyagu qudhoodu ay xurguf ka dhaxayso ayaa labaduba dilal ka fuliya magaalada Boosaaso.

COMMENTS
LINKS