Curadka Wariyihii La Dilay ee Jamaal Khashoqji oo Maraykanka Ka Dagay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Curadka Wariyihii La Dilay ee Jamaal Khashoqji oo Maraykanka Ka Dagay
October 26, 2018 - Written by Reporter:

Washigton (WJN)- Wiilka u wayn carruur saxafigii la dilay ee Sacuudiga u dhashay Jamal Khashogji ayaa ka dagay dalka Maraykanka isaga oo ka baxay Sacuudiga xubno qoyskiisa ka tirsanna ay weheliyaan.

Saalax Khashoqji ayaan hore awood ugu lahayn in uu ka baxo Sacuudi Carabiya, maadaama oo aabihii uu dhaliili jiray boqortooyada Sacuudiga.

Salaasadii ayaa sawir laga qaaday iyadoo uu u tacsiyaynayo dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Jamal Khashqji ayaa lagu dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul saddex toddobaad ka hor.

Dacwad oogaha guud ee Sacuudiga ayaa Khamiistii sheegay in dhimashada Khashoqji lasii qorsheeyay.

Masuuliyiinta Sacuudiga ayaa iyaguna ku tilmaamay in dad “aan daacad ahayn” ay ka dambeeyay dilka iyadoo Riyadh ay ku adkaatay in faahfaahin looga qaateen ah ay ka bixiso sida saxafi Jamal Khashoqji uu mawtka ula kulmay.

Sacuudi Carabiya ayaa markii hore ku adkaysatay in saxafigan oo Maraykanka daganaansho ka haystay, waxna ku qori jiray wargayska Washington Post uu qunsuliyadda ka baxay isaga oo “nabad qaba” 2 bishii October, haddana waxay sheegeen in uu gacan qaad u dhintay.

Baadheyaasha Turkiga oo diiday in laga duubo ayaa sheegay in amiirka dhaxalka leh uu wax ka ogaa waxa socday. Riyadh ayaa diiday in ay door ku lahayd dilka.

Saalax Khashoqji ayaa si kooban u salaamay amiirka dhaxalka leh Maxamed Bin Salxaan, dad badan ayaana u arkay in uu si qabaw u wajahay Salaasadii intii uu socday kulanka la qorsheeyay.

Dadka qaarkood waxay tilmaamayaan in kulankaasi uu u horseeday in loo ogolaado in uu dalka ka baxo.

Afhayeen u hadlay Maraykanka ayaa sheegay in xoghayaha arrimaha dibadda Mike Pompeo uu masuuliyiinta Sacuudiga u sheegay in uu doonayo in Saalax Khashoqji oo dhalasha labada dal haysta uu ku laaban karo Maraykanka isla markaasna “uu ku farxay” in loo ogolaaday in uu sidaa yeelay.

 

COMMENTS
LINKS