Cumar Carte Qaalib oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Hargeysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Cumar Carte Qaalib oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Hargeysa
October 23, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Waxaa magaalada Hargeysa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay Siyaasi Cumar Carte Qaalib oo ahaa Ra”iisal Wasaarahii ugu dambeeyay ee dowladdii Militariga Soomaaliya ee Maxamed Siyaad Barre. Sidoo kalena ahaa Ra”iisal Wasaarihii ugu horreeyay dowladdii Cali Mahdi Maxamed, Isagoona 1969-kii ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Dhinaca kale waxaa siyaasi Cumar Carte Qaalib soo dhaweeyay masuuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe, Maayarka Caasimada Hargeysa, Guddoomiye ku-xigeenka Baanka dhexe, Ganacsato iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaaalka

COMMENTS
LINKS