Ciidamada Liyuu Booliska oo Dad Ku Laayay Degmada Xaraaray iyo Maamulka Dowlad Deegaanka oo Ka Hadley | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidamada Liyuu Booliska oo Dad Ku Laayay Degmada Xaraaray iyo Maamulka Dowlad Deegaanka oo Ka Hadley
October 15, 2018 - Written by Reporter:

Jig Jiga (WJN)- Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya waxaa labadii maalmood ee u dambaysay ka taagnayd xiisad ka dhalatay dad la sheegay in ciidammada Liyuu Boolisku ku laayeen tuulada Gabrro-yarey ee degmada Xaraarray.

Dadkii dhaawaca culus qabay ayaa loo qaaday Cisbitaalka Jig Jiga kuwii halkaa wax lagaga qaban waayayna maanta ayaa loo soo gudbiyey dhanka Addis Ababa.

Haddaba waxaa dhacdadaas markii ugu horraysay ka hadlay hoggaanka nabad gelyada ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Mubaarak Sheekh Cumar Dhuuxweyne.

 

Halkan hoose ka dhagayso warkan oo faah-faahsan

COMMENTS
LINKS