Buugga Xirsi Iyo Fatwada Fiqiga Siyaasadda Marxaladdan!!!Prof Cabdi Cali | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Buugga Xirsi Iyo Fatwada Fiqiga Siyaasadda Marxaladdan!!!Prof Cabdi Cali
October 27, 2018 - Written by Editor:

Aniga Iskuulkayga Qoraalka ee Aan Aaminsanahay, Si Aynu Uga Gudubno Marxaladdan Musuqa iyo Danaysigu Ragaadiyeen Dawladnimadeenii, Xataa Hadduu Nin Masuul Sare Ahaan Jiray Qoro lacag Baan Xaday; Yaan Waxba Loo Raacin; Maxaa yeelay Ninkaasi Waxay U Dhawdahay in uu Diyaar u Yahay In Laga Gudbo Xaaladdan Aynu Ku Jirno; Wallahi, Kaas Baan Anigu Dib U Dooran Lahaa; Waayo Wuu Ka Dhawyahay Ka Ina Xaday, ee, Inoo Aamusan, si uu Fursad Kale U Helo!!!

Wali ma akhriyin buugga Xirsi, laakiin gobolada laga soo dheegtay illaa immika ee baraha bulshada la soo dhigayo waxa ka muuqda dhiiranaan iyo in laga run sheego wixii jiray; murna ha ka qadhaadhaatee; waa iskuulka aan rabay in aan horseedo.

Walaalayaal, af-miinshaaradu waxay leeyihiin, mustaqbal ma laha ninka ka sheekeeya xilkuu hayay; walaalayaal,ma sir baa?!!; maya ma aha sir; waa xafiis dawladeed (public office); ma gurigii hooyadii buu inooga sheekeeyey!!; dadku xaqbay u leeyihiin in ay ogaadaan sida loo maamulo; qaladkii xafiiska ka dhacay hadduu sheego, ammaan buu leeyahay; aynu beenino af-miinshaarada; waynu is haynaa nimanka; iyagu waxay rabaan in aan laga gudbin marxaladdan; way ugu jirtaa iyaga; dan kama laha waddanka; waxay og yihiin, haddii laga gudbo marxaladdan, oo filimkooda la qabto, in ay dhaafayso intay garanayeen; marxaladda loo gudbayaa waa bilaa dillaal; waayo waa runtii; iyaguna taa kuma galayaan; bakteeriyadu kuma noolaan karto sabo nadiif ah; waxay leeyihiin, dadkiina ka dhaadhiciyeen (because they are the establisment) in ninka iska aamusa uu ku soo noq-noqonayo meesha; walaalayaal aynu beenino (let us make de-estalishment).

Ha ogaado ninka kolba M/weynaha ahi in haddii uu qaato ninka runta sheegaya, ay dadku kaa doonayaan, maxaa yeelay,waxay sheegaysaa, waa ta kowaade, in aanu ka baqayn in wax laga qoro; maxaa yeelay maba rabo inuu wax qaldan sameeyo M/weynuhu!!!. Waxan xasusutay markii uu Ahmed Abbey la wareegay xukunka ayuu u yeedhay saxaafadda Ethiopia oo aad loo cabudhin jiray; markaasuu ku yidhi saw dooni maysaan in aad qortaan war alla warkaad doontaan ee jira; markaasay yidhaahdeen haa; markaasuu yidhi maanta laga bilaabo waxaad doontaan ka qora dawladda; wuxu yidhi miyaad garanaysaan sababta aan saa idiin leeyahay? markaasuu yidhi intaanay jawaabin, sababtaa aan sidaa idiin leeyahay waxa weeye qorshaba iiguma jirto inaan wax qaldan sameeyo!!! dee yaa kuwada hadlayba!!!. Dee immika teenaan, anigu haddii aan m/weyne ahay oo aanay qorshahaba iigu jirin, in aan wax qaldo, dee waxan magacaabayaa ninka aan ogahay in uu wax iga qori karo!!! haddii uu karti leeyahay; who cares?; wuxu rabo ha qoro!!!

Waar ninkaa Abbey muxuu darbiyo dumiyay; Ilaahaw waaga aanu waraabe cunin; sidii Mursigii Masar baan marar badan uga baqaa!!!; waa ninka yidhi jabhadihii oo dhami ha iska soo galaan macal hubkooda iyagoo sita, cid la hadli kartaana ma jirto, waayo waxay ahaayeen muwadiniin, kaliya way innaga aragti duwanaaayeen; dee qorigii uu sitay jabhadku ayaa halkiisa bilaa faa’iido ku noqday; dee arrinkii wuxu noqday soo galoo waxaad doontana ku hadal, siyaasad haddaad doonaysana xisbigaad doonto gal; dee yaa ku wada hadlayba!!!

Saaxiibayaal, joojiya is diidsiinta xaqiiqada; dhiirigaliya dadka xilka soo qabtay ee sidaasoo kale ku dhiirada run sheega; cidna ha xaqirina; Ilaahya baa mulkiga bixiya; arrinkana sidaan hore idiinku sheegay waxtarkiisa ayaa ka badan waxyeeladiisa, gaar ahaan marka aad eegto marxaladda aynu marayno; saraaxada iyo qirashadu waxay keenayaan in hore ay inooga dhammaato oo laga gudbo mashkiladaha madaxtooyadu maamulkeena dawladeed ku hayso; waxay noqonaysaa filim kasta oo hore loo daawaday in aan hadhaw la ogolaan in dib la inoo daawadsiiyo; markaa horaa loo soconayaa ma arkaysaa; ma ha tii beenta ahayd, ee waa tii runta ahayd!!!

Saaxiibayaal, anigu waxan idin odhan lahaa dhiiri galiya runta; waliba aynu u ballan qaadno siyaasiga runta ka sheega intu xilka hayay in uu mustaqbal leeyahay, halka immika af-miinshaaradu ay leeyihiin ninka runta sheega, waa nin gacantiisa isku gawracay, mustaqbal siyaasadeena ma laha, oo cid danbe aamini mayso;

Xog la sheegay oo qaarkeen sir u yaqaannaan iyo lacag la xaday baad sheegysaaye, sow Ruwanda inta la isu yimid lama odhan xasuuqii ha sheego qof kastaa intuu dilay iyo siduu u dilay; qofkii qirta ee ka murugooda waxba loo raaci maayo; waa la is wada cafinayaa; sidii bay sameeyeen; maanta waa cusub ayaa u barayay oo dunida oo dhan ayaa majeeranaysa; ka warran, haddii ay huursan lahaayeen!!!

Qalinkii; Prof Cabdi Cali Jaamac; u dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada iyo maamul wanaagga

COMMENTS
LINKS