“Annigu Goob-joog Kamaan Ahayn Meel Axmed Siilaanyo Isku Casili Gaadhay, Warkaasina Maaha War Xaqiiqo Ah Caafimaadkiisuna Waxa Uu Ahaa Mid Wanaagsan”.Ex Wasiir Maxamuud Xaashi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Annigu Goob-joog Kamaan Ahayn Meel Axmed Siilaanyo Isku Casili Gaadhay, Warkaasina Maaha War Xaqiiqo Ah Caafimaadkiisuna Waxa Uu Ahaa Mid Wanaagsan”.Ex Wasiir Maxamuud Xaashi
October 31, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Wasiirkii hore Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa waxa uu si adag uga difaacay xaalada caafimaad ee Madaxweynihii hore Somaliland Axmed Siilaanyo iyo Marwadiisa Amiina Waris oo hogaamiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali Xajii Xasan oo qaybo ka mid ah buugiisa kaga hadley.

Ex, Wasiir Maxamuud Xaashi oo qoraal kooban oo uu arrimahaasi kaga hadlayo soo dhigay Payg-ka uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee Facbooga ayaa u dhignaa sidan, “Ma jecli inaan faah-faahin ka bixiyo buuga uu wasiirkii hore ee Madaxtooyadu qoray, waxaan jecelahay inaan gor-fayntiisa u daayo shacabka Somaliland,waa ta koowaade annigu goob-joog iyo makhraati midna kamaan ahayn kulanka xirsi sheegay in marwadu noogu yeedhay ee ku saab-sanaa in madaxweyne Silaanyo is-casili gaadhay, warkaasi maaha war xaqiiqo ah.

Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Silaanyo waxaan ahaa gacan-yarihiisii wakhtigii uu ahaa murashaxa xisbiga KULMIYE, waxaan ahaa todoba sanadood wasiir xukuumadiisa ka tirsan, labadii sanno ee u danbeeyayna waxaan ahaa gacan-yarihiisii gaarka sidaas awgeed caafimaadka madaxweyne Silaanyo waxa uu ahaa mid wanaagsan,caqligiisa iyo maskaxdiisuna waxay ahayd taam taasina waa ta suurta gelisay in Axmed Silaanyo todobadii sanno ee uu ahaa madaxweynaha uu dalkani kala soo dabaashay duruufo addag oo kala duwan, hadii caafimaadka madaxweynuhu khaldanaa dal-na muu maamuleen, guulna ma gaadheen, Axmed Silaanyo muu ahayn maxbuus ay kawarmi karaan xaaladiisa koox kooban,waxa uu ahaa nin ballaadhan oo aanay waxba u qarsoonayn.

Marwada 1aad ee Madaxweyne Siilaanyo Marwo Aamina Maxamed Jirde waxay ahayd sida uu Xirsi-ba buugiisa ku xusay haweenay waxbaratay,kana danbaysa ninkeeda iskana dhawrta fara-gelinta maamulka dawladda, sidaas darteed hadii uu Xirsi buugiisa ku xusay inay 5-tii sano ee uu wasiirka Madaxtooyadda ahaa ay ahayd marwo gurigeeda ku kooban,labadii sanno ee danbana sidii uun bay ahayd, Xirsina kama warami karo meel aanu joogin”.

Maxamuud Xaashi

COMMENTS
LINKS