Al-Shabaab Oo Dalka Mozambique Ku Xasuuqday Dad Kor U Dhaafaya 90 Ruux Oo Shacab U badan+Tirada Ay Dhaawaceen | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Al-Shabaab Oo Dalka Mozambique Ku Xasuuqday Dad Kor U Dhaafaya 90 Ruux Oo Shacab U badan+Tirada Ay Dhaawaceen
October 6, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA (W,N)-Sida ay baahiyern Wargeysyada kasoo baxa dalka Mozambique maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab ayaa weerar ay ka geysteen Mozambique ku dilay 90 ruux tan iyo markii ay bilaabeen weerarada.

Weerarada oo ahaa kuwo gaadma ah ayaa waxaa sidoo kale lagu dhaawacay 70 kale oo ay ku jiraan ciidamo ka tirsan Booliska Mozambique.

Taliyaha booliska dalka Mozambique Bernadino Rafael oo ay xiganayeen Wargeysyada ayaa xaqiijiyay in khasaaraha dhimasho ee weerarkaasi uu yahay 90 qof, halka dhaawaca uu gaadhay 70 kale.

Waxa uu sheegay in tirada guud ee dadka ku maqan Alshabaab ay suuragal tahay inay kasii badan yihiin tirada lasoo sheegay.

Bernadino Rafael, ayaa sheegay in Kooxda Jihaadiyiinta dalka Mozambique ay  argagax ku abuuren dadka muwaadiniinta ku nool waqooyiga dalka.

Bernadino Rafael, waxa uu sheegay in Kooxda Alshabaab ay gubeen tuulooyin badan halka ay ka dileen Saraakiil iyo Shacab tan iyo markii ay Shabaab dilalka ka bilaabeen gudaha dalka.

Sidoo kale, Maleeshiyaadkan ayaa dhaqaalaha ugu badan ka hela iibinta Alwaaxa iyo Macdanta oo ay ku badan yihiin ganacsiga dalkaas.

Sanaddadii dambe ururo Islaamiyiin ah oo Al Qaeda xidhiidh la leh ayaa ka bilowday dalka Soomaaliya kuwaas oo markii dambe ku faafaay Kenya ilaa Tanzaaniya, waxaana macquul ah in ay soo gaadheen dalka Mozambique.

Si kastaba ha ahaatee Bernadino Rafael oo ah Taliyaha ayaa sheegay in dalkiisa uu ka gaashaman doono weerarada kaga imaada Alshabaabka dalkiisa.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

 

COMMENTS
LINKS