|
|||||
WAJAALE NEWS
Abwaan Weedhsame Oo Xukuumada Jsl Ku Dhaliilay Qorshe Ay Madaxtooyo Cusub kaga Dhisanayso Galbeedka Hargaysa, Xili Shacabku La Ildaran Yihiin. Biyo La,Aan Iyo Adeegyada Cafimaadka.
October 10, 2018 - Written by Editor:“Madaxtooyo Aan Dadkeeda Cawlcawlan U Ekayn Oo Doog Cosob ah Iyo Cinab Lagu Dhex Beero, Ilayn Waa foolxumo Inay u Ekaato, Dadkan Caydha ah Ee Wada Bilaa Camalka Ahe!!”Abwaan xasan daahir Weedhsame.Abwaan Xasan Daahir oo kamida bahda abwaanada Somaliland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay qorshe dhawaan uu maayarka caasimadu shaciyay oo uu ku sheegay in koornayaasha magaalada hargaysa laga dhisi dono dhismayaal madaxtooyo iyo labada gole taasi uu abwaanku barbar dhigay in shacabka Somaliland ubaahan yihiin adeegyo caafimaad iyo waxbrasho ee aanay u baahnay dhismayaal si qablaadaysan loogu qaybiyo. Waxaanu qoraal uu arimahaasi kaga hadlayo uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay facebookga wuxuna udhignaa sidan; “Hindisaha dhisitaanka madaxtooyada cusub, halka go’aankeedu ka soo baxayaa waa guriga looga taliyo dalka. Gurigani Wuxu 500 oo tallaabo u jiraa DHAKHTARKA WEYN ee Hargeysa. 1 milyan oo qof oo tahli waayey inay dhakhtar gaar loo leeyahay tagaan ayaa goobtan isku cidhiidhya, si ay adeeg caafimaad uga helaan, kumase filna oo Ninkii galayba ila garay dayaca iyo dakaanka ka muuqda. Waxa sidoo kale dhabarka ka xiga Dugsiga sare ee Faarax Oomaar oo isna ardaydu is dul rasaysan yihiin. Labadaas xarumeed ee adeegga Caafimaad iyo adeegga waxbarasho loogu fidiyo dadweynaha danyarta ahi, waxay tusaale u yihiin sida loogu baahan yahay in la kordhiyo xarumaha la midka ah ee adeegyadan bixiya. Waxase yaable in durba la calmaday helitaanka QASRI WAAFI AH oo kan haatan la inooga taliyo ee duugga ah ka fidsan kana faalalsan, ka qurux badan kana qiimo sarreeya. Madaxtooyo aan dadkeeda cawlcawlan u ekayn ee doog cosob ah iyo cinab lagu dhex beero, ilayn waa foolxumo inay u ekaato dadkan caydha ah ee wada bilaa camalka ahe!!!! Madaxtooyo gudaheeda iyo gidaarka dibadu kala duruufo yihiin, inta cadceedda iyo cirjiidhana (Jupiter) isku jiraan.
Si loo marin-habaabiyo dadweynahan qabyaalada ku godlada kuna gadooda, sidii loo kala qaybin jiray marka la isku lisayo, ayaa loogu kala qayday xarumihii laamaha dawladnimo, iyadoo qolo kasta loo qorsheeyey in laga dhex taago Qasri aan manfac u lahayn, qarashkiisuna ka go’an yahay qaan-gaadhka u kacaya aayihiisa dambe. Muraayadihii ab-tirsiinta ee loo gelin jiray marka la maan doorinayo, ayaa durba loo masaxay loona sifeeyey si ay u arkaan humaagyadii male-awaalka ahaa ee lagu mayrici jiray. Qolo walba muntulkaa loo taagay in ay u mashxaradaan, daawashada muuqaalkiisana ku mahad naqaan ayaa loogu manno sheeganayaa, waxtar miisaan lehna looga dhigayaa. Waxse xaqiiq ah inay harraadan yihiin, qaarkood xanuunsanayaan, bilaa xannaano ay yihiin Ooryahooda uurka lihi, xayraanimo iyo shaqo la’aani halakaysay, sicir-bararkuna xagal daaciyey noloshooda. Haddaba ma dhakhtar, biyo, xarumo waxbarasho iyo in nolol loo abuuro ayey u baahan yihiin, mise in Madaxtooyo iyo Aqalka Guurtida xaafadahooda laga dhex dhiso ayey u baahan yihiin? Qalinkii Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame)
Related posts:Daar-Taydii u Dambaysay (ee Muqdisho) Maalin Dhawayd baan Iibiyey..Ninka ku Yidhaahda Faysal Soomaal... Gen. Maxamed Xasan C/laahi (Jidhif) Oo Tacsi Tiiraanyo Leh U Diray Marxuum Muj.Axmed Jaamac Siciid(J... Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo Wafdigii uu hoggaaminaayay oo Kormeer Indho-indhayn ah Ku Taga... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|