Aan Milicsano Taariikhda Labada Xubnood Ee Khilaafka Kulmiye Ka Bilowday Jaamac& xasan Siciid Iyo Axmed C, Dheere Iyo Madaxwayne Biixi” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Aan Milicsano Taariikhda Labada Xubnood Ee Khilaafka Kulmiye Ka Bilowday Jaamac& xasan Siciid Iyo Axmed C, Dheere Iyo Madaxwayne Biixi”
October 1, 2018 - Written by Editor:

Marka Hore Asalaamu Calaykum Salaan kadib ilaahbaa mahad dhamaanteed iskaleh intaa kadib baryahan waxa baraha bulshada hadal hayntoodu ku badnayd hadalo ay isdhaafsadeen xoghayaha xisbiga kulmiye iyo Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga kulmiye hadii aan idinla wadaago aragtidayda sida aan u arko horta magaca xisbi la yidhaahdo intaynu xoriyada dib ula soo noqonay waxa inoola yimid Ina Cigaal waanu la dhintay kamana danbayn, aan usoo dago duluc dayda oo Aanfaalo ka bixiyo afar nin oo kala ah Gudoomiyaha labaad Ahmed Cabdi dheere iyo Xoghayaha guud Xasan Siciid iyo Gudoomiyaha golaha dhexe jaamac shabeel iyo Madaxwaynaha jsl Muuse Biixi Cabdi aan ka bilaabo Axmed Cabdi dheere iyo maalmihii adkaa kala jabkii xisbiga ee labada garab wuxu ahaa nin aan si cad uga muuqan fagaarayaasha oo isqariyey maantana wuxu garab istaagay xasan oo aynu garanayno wuxu maalmahaa falay hadaba aan tuduc sugaameed garashada Axmed cabdi dheere ku qeexo oon idhaahdo “Rag ilayn Malihiisu mudacyo weeyi Afkoode ismaan dhaafka Yimaadiyo xaajadii murugta nimaan maaro lahayn meel fog aan waxka eegin oon maskaxdiisu furayn, sida maayada roobka maanshaynaynin dadkiisa oon mididiis aflahayn oo magaan fooqal magaana, masiirkay umadhiibo oo kuba aaminimaayo” kaa intaa aanku dhaafo xasan siciid warkiisu wuu koobanyahayo wuxu ahaa shixnadii uu soo gatay xirsi gaab intasaa ku filan aan udhaafo.

jaamac shabeel wuxu ahaa nin adag oo maalmihii adkaa adkaysay oo lacagi goyn wayday intaa aanku dhaafo shabeel.

Abwaan axmed Awyuusuf

Madaxawaynaha iyo warkiisa aan ugudbo hordhac.aan usoo qaato taariikh soo martay nabigeenii suubana csw maalmihii daa.if lagu soo shihiiday ee uu kasoo laabtay ayuu ka warwaray qureesh iyo waxay kayeeli doonto wuxu cod saday nabigu csw cidka magan galisa qureesh waxana uu lahadlay dhawr nin waanay diideen

kadib waxa magan galyo siiyey nin aanan magaciisa aad uhubi oon umalaynayo cumayr binu daraar waxan uga socdaa qisadaa nabigu siduu abaalka ucelin jiray csw hadaba maalitii badar ee maxaabiista todobaatanka iyo shanta la qabtay ayuu nabigu csw yidhi haduu maanta iwaydiisan lahaa cumayr waan wada siinlahaa

Waxa hadaba ah su aal sharad kayaalo ma jaamac buu raaci mise xasan siciid? Wayna muuqataa wadada uu qaaday balse waynu ka war sugi hadalkiisa dhabta hadii alaah idmo waynu eegidoonaa ardanbiyo wixii nool Alaa mahadle by

QALINKII; Abwaan Axmed yuusuf (habaryaro)

COMMENTS
LINKS