Xukuumadda Cusub Ee DDSI oo Sheegtay In Ay Ahmiyadda Koobaad Siinayso Wax U Qabashada Dadka Barakacayaasha Ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumadda Cusub Ee DDSI oo Sheegtay In Ay Ahmiyadda Koobaad Siinayso Wax U Qabashada Dadka Barakacayaasha Ah
September 4, 2018 - Written by Reporter:

Jig Jiga (WJN) – Xukuumadda cusub ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegtay in ay qorshaha koowaad u qaateen wax u qabashada dadka Soomaalida ah ee ku soo barakacay colaadaha qawmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ee dalka Itoobiya.

Xeryaha qaxoototiga ee Qolaji oo kali ah waxa ku nool dad kor u dhaafaya toban kun oo Soomaali ah oo colaadahu soo baro kiciyeen, sida uu sheegay wasiirka ka hortagga iyo xakamaynta musiibooyinka ee deegaanka Soomaalida Maxamed Faatax Maxamed.

Colaadahan ayay dad badan kaga kala dhinteen Soomaalida iyo Oromada ka dib markii ay daba dheeraadeen.

Xukuumadda Faderaalka ah ee Itoobiya ayaa dhawaan ballan qaaday in ay soo afjari doonto colaadda, balse dilka iyo barakicinta ayaa wali sii socota.

Haddaba si aan wax badan uga ogaanno xaaladda barakacayaasha Soomaalida waxaa laga waraysanay wasiirka ka hortagga iyo xakamaynta masiibooyinka ee Deegaanka Soomaalida Maxamed Faatax Maxamed.

 

Hoos hoose ka dhagayso waraysiga.

https://youtu.be/b4o9eG1-ex4

 

COMMENTS
LINKS