Xukuumada Somaliland oo Shaacisay Roobab Dabeylo Wata oo Dalka Ku Soo Fool Leh iyo Fariin Ay U Dirtay Shacabka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Somaliland oo Shaacisay Roobab Dabeylo Wata oo Dalka Ku Soo Fool Leh iyo Fariin Ay U Dirtay Shacabka
September 25, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Wasiirka wasaarada horumarinta beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed ayaa waxaa uu shaaciyey in waaxda Saadaasha Hawda ee Wasaarada Beeruhu ay heshay  xogo sheegaya in bisha 10 ilaa bisha 11 ee sanadkan ay dalka ka da,ayaan roobab dabeylo wata gaar ahaan gobalada bariga Somaliland.

Sidoo kale Wasiir Axmed Muumin Seed ayaa sheegay in maalmaha soo socda guud ahaan dalka laga Dareemi doono kuleyl xad dhaaf ah kuwaas oo ay roobabkuna ay ka danbeyn doonan, Isagoo fariin u diray shacabka.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka 

 

COMMENTS
LINKS