|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukuumada Somaliland oo Ku Dhawaaqday Tirakoobka Hantida Ma Guurtada Ah Ee Danta Guud
September 1, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Xukuumada Somaliland ayaa waxa ay maanta ku dhawaaqday olole soconaya muddo saddex todobaad ah, kaas oo markii ugu horeyssay lagu diwaan geliyo hantida ma gurtada ah ee dawladda iyo dhulalka danta guud. Ololaha ayaa looga dhawaaqay xarunta madaxtooyada Somaliland, Wasiirka hawlaha guud iyo guriyeynta Somaliland, Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi ayaa waxa uu sheegay inay daba socdaan “boobka hantida dawladda ee ma guurtada ah ee 28kii sano ee u dambeeyey”. Hantida ayuu u kala saaray dhismayaal sida iskuullo, Cisbitaallo IWM, iyo dhulal banaan oo ay dawladdu leedahay. Cabdirashiid Qambi wuxuu intaa ku daray in wixii maamulladii hore ay bixiyeen laga saari doono hantida ay daba joogaan. “Wixii uu madaxweyne bixiyey ee sifo sharci ah ku baxay waan ka hadhaynaa” ayuu yidhi. Wasiir Qambi Waxaa kaloo uu ka hadlay xidhiidhka u dhaxeeya iyaga iyo dawladda hoose, wuxuuna qiray in aanu fiicnayn. “Wixii ku saabsan maamulka hantida ma guurtada ee shacabka dawladda hoose ayaa shaqo ku leh, wixii dan guud ahna annaga ayaa shaqo ku leh” ayuu yidhi. Wasiir qambi
Related posts:MUJ; CALI GURAY OO EREYO TAARIIKHIYA KAGA DAREEN CELIYAY MAANSO CUSUB OO UU ABWAAN WEEDHSAME SOO SA... Madaxweyne ku xigeenka JSL Oo Kormeer Ku Tegay Xarunta Ciidanka Dab-demiska Ee Caasimadda Hargeysa. Wargeyska Indian Ocean Oo Baahiyay In Madaxweynaha Dalka Guinea Uu Madaxweyne Biixi USoo Jeediyay In... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|