Xukuumada Somaliland oo Ku Dhawaaqday Taariko Cusub | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Somaliland oo Ku Dhawaaqday Taariko Cusub
September 15, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN) – Xukuumada Somaliland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay dhaqan gelinayso taariko cusub oo ay qaadanayaan dhammaan gaadidka ka howlgala Somaliland.

Wasaaradda gaadidka ayaa shaaca ka qaaday in la baddalayo taarikadii hore isla markaasna ay gaadidlayda ay ku rakiban doonaan baabuurtooda taarikadan cusub.

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta waddooyinka Cabdillaahi Abokor oo maanta saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in sababta loogu dhawaaqay taarikadan cusub ay tahay in ciidammada waddooyinka Somaliland ay ku adkaatay inay akhriyaan lambarada iyo xarfaha ku qoran taarikada marka ay howlgallada ammaanka ay samaynayaan maadama ay badnaayeen xarfahu.

Wuxuu sidoo kale sheegay in kaddib markii ay sameeyeen daraasad dhaqaale ay usoo baxday inay baddalaan taarikada.

Cabdillaahi Abokor wuxuu ka dhawaajiyay in taarikada laga saaray lambaradii carabiga ahaa ayna u daayeen lambarada laatinka.

“Waxaanu ka saarnay lambaradii carabiga ahaa, sababtuna waxaa weeyaan in 22-ka dal ee Jaamacatul carab 14 kamid ahi waxay isticmaalaan laatiin, carab ma isticmaalaan, annaga oo cabbirkii eegeynaa waxayna markaa garannay in laga saaro lambarkii carabiga ahaa oo laatin qudha lagu daayo, sababtuna lambarkuna wuu waynaadaya, markii hore waxaa laga arki jiray wax ka yar 100, imika qorshuhu uu yahay ilaa 800 miitar,in haddii gaadhigaasi uu wax gaystay si fiicaan ciidammada nabadgelyda waddooyinka ay u arki karaan” ayuu yidhi waasiirka gaadidka Somaliland.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in toddobaadkan gudahiisa ay gaadidlaydu ay qaadan doonaan taarikadan.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli bilooyinkii ugu dambeysay ay ka jireen Somaliland dhacdooyin lagu xaday baaburta.

Ciidanka booliiska Somaliland ayaa ku guuleystay markaasi inay gacanta ku soo dhigaan shebekad baabuurta dadka kaga xadayay magaalada Hargeysa iyo magaalooyin kaleba.

Taarikada cusub ee shaaca laga qaaday

 

COMMENTS
LINKS