Xilka Qaadiska Jaamac Shabeel Oo Laga Cabsi Qabo In ay Soo Dedejiso Khilaaf Culus Oo Ka Dhex Qarxa Xisbi xaakimka Kulmiye Iyo Saamaynta Ayku Yeelan Doonto Xukuumada Madaxwayne Biixi! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xilka Qaadiska Jaamac Shabeel Oo Laga Cabsi Qabo In ay Soo Dedejiso Khilaaf Culus Oo Ka Dhex Qarxa Xisbi xaakimka Kulmiye Iyo Saamaynta Ayku Yeelan Doonto Xukuumada Madaxwayne Biixi!
September 30, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Xisbiga Kulmiye, Guddidiisa fulintu, waxa uu xilkii iyo Xubinimadii xisbiga ka qaaday Guddoomiyihii Golaha dhexe Jaamac Ismaaciil Cigaal (Jaamac Shabeel).

Qoraalkan lagu sheegay xil ka qaadista waxa ku saxeexnaa Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere.

Waxa xilka Guddoomiyaha Golaha dhexe si ku-meel gaadh ah loogu dhiibay Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Maxamuud Jaamac Warfaa oo sidoo kalena ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada.

Jaamac Shabeel wuxu ahaa xubin muhiim ka ah Xisbiga dhexdiisa.

Wali dhankiisa wax jawaab ah kamuu bixin go’aanka xisbiga lagaga saarayx,xilkana lagaga qaaday.Marka laga tago war uu siiyay iidacada bbcda oo uu ku sheegay in aanay sharci ahayn.

Hase ahaatee Xil ka qaadista masuulkan waxa ka dhashay dood iyo dareemo faro badan.

Hase ahaatee, qodobka ugu muhiimsan ee ay Falanqeeyayaasha Siyaasaddu isku raacsan yihiin waxa uu yahay in lagu deg degay xil iyo xubin ka qaadista Masuulkan.

kulmiye 1

Waxa kale oo la saadaalinayaa inay arrintiisu saameyn ku yeellan doonto Xisbiga.

Dadka qaar ayaa u arka inay tani la mid tahay, una sawir eegtay qaabkii xisbiga looga saaray siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdiqaadir.

Jaamac Shabeel wuxuu ahaa Nin Siyaasiyan iyo shakhsiyanba Jallaafooyin badan oo Madaxweyne Muuse loo dhigay xilliyadii adkaa ee uu soo maray Jaalkiisa koowaad ahaa, waa inta bulshada u muuqataye, waxaanu ahaa mid kamida Dadka #Muuse Biixi ku baanay inaan dhankooda looga soo dhacayn, isla markaana uu aaminay, dhab ahaana ula doonayey Kursiga Madaxtinimada, godob Siyaasaddeed oo badanna ku galay taageerada Madaxweyne Muuse.

Sidaasoo ay tahay, Natiijada Siyaasaddeed ee xil ka xayuubinta Jaamac shabeel yeellan karto waxa kale oo lagu saadaalin karaa in kala furfur badani ku soo fool leeyahay xisbiga dhexdiisa.

Waxa hubaal ah inay tani soo dedejin doonto Khilaaf wajiyo badan leh oo ka dhex curta Kaadiriinta Xisbiga kulmiye .

Waxa xusid mudan in Khilaafkan bilowga ah ee arrinta jaamac shabeel kowda ka tahay, fursad badani ugu jirto Siyaasiyiin damacooda u sadqeeyey Murrashaxnimada Madaxweyne Muuse oo sanadihii u dambeeyey Beer-dhigaale ugu jiray in mar uun ay soo marto fursadan oo kale.

Go’aamada u dambeeya arrimaha Xisbiga Kulmiye waxa laga jaan-gooyaa Qasriga Madaxtooyada, waxaana xaqiiqo ah in qaraarka Guddida Fulinta ee Jaamac Shabeel lagu eryey ka soo fulay Madaxtooyada.

Waxaana laga cabsi qabaa khilaafkan talaabadan laga qaaday jaamac shabeel in uu saamayn xoogan ku yeelan doono xukuumada madaxwayne muuse biixi oo xiligan la daalaa dhacaysa xal u helida kala qaybsanaantii ay reebtay doorashadii dalka ka dhacday

Hase yeeshee, ma cadda waxa ay bedelka taa u dhigatay Madaxtooyadu maalmaha cusub ee xisbigu waajahayo waxa uga meel yaala .

Inkastoo xukuumadihii kala danbeeyay ee ka dhashay xisbiga kulmiye ay marwalba caado unoqotay khilaafka joogtada ah ee ka dhex bilowdaa taasi dhib iyo dheef Hadba wixii laga helo uu xogogaal uyahay madaxwayne muuse biixi.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS