Xildhibaanada Awdal Vs Xildhibaanada Caasimada Maroodi-jeex | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaanada Awdal Vs Xildhibaanada Caasimada Maroodi-jeex
September 28, 2018 - Written by Reporter:

Waxa hubal ah in musuqa la cidhib tiro cadaalad iyo daacad dadka iyo dalka loogu shaqeeyo. qabiilka lagu xijisiiyo sida xun loo isticmaalo oo ah kaygu waa sax kaagu waa qaldaan  la dhaafo taas waxa fulin kara maamul nadiif ah daacad ah Alla ka cabsi leh.

Tusaale gaaban. hadii maamulka iyo hantidhawrku daacad ka yahay hantida dadweynaha in loo ilaasho oo danta guud loogu qabto.

Kaw haka bilaabo Caasimada SOMALILAND HARGEISA MAATI KORIS oo dhamaan la xaraashay hantidii umada

Haday tahay TIYAATAR, LAABAREERI, ISGUUL, WOMANIS KILAAB, HARGEISA CLUB , LIINKII POLICEKA. TRAAFIKADII , ISGUULADII SIDA SHEEKH BASHIR SCHOOL IYO GURYIHII HANTIDA DAWLADA OO BOQOLAAL KOR U DHAAFAY.

Hada ogow waa caasimadii afarta gole deganaayeen, XEER DEJINTA, GUURTIDA, FULINTA, IYO XEER ILAALINTA.

Ayaa musuqii huwan.

Waxa la yaab leh in BORAMA la yidhaa hanti dhawraa loo dirayoo musuq la gu helay markaa amar badhasaab oo gacan ku rimis ah xilka kaga xayuubiya. sheekadu waa MAYDKAYGA MEYDKALE KU QARI  dead body cover by another.

Hadii daacadi jirto ma filayee caasimadii SOMALILAND ee la xaraashay bad iyo beri horta waa MUDANE SOO CELI. ku xijisii gobolada adoo se mawjad bad musuq dhex hurda gobolo badqaba ha fidnayen .

Bishan waxan ku jirnay film la yidhaa KUFSI oo mufdiyadii iyo culimadii Dalka la daboolay oo bidca la ansixiyey.

Filmkaasi wuu dhamaaday , maantana xiska bulshada waxa lagu mashquulinayaa meeyar iyo musuqbaa jira.

TALLO XILDHIBAANADA REER AWDAL.

Waxad tihiin cillmigii iyo caqligii bulshada AWDAL cugatay ee ceeb iska jira , ka xaraga goosta xuuraanka, xaqiina lagu luminayo, waxa soo  dhaw doorashadii degaanada  ee heer gobol yo heer degmo dheeligii jiray ee gobolku tabanayey baa meesha laga saarayaa ee hortiina eega hadhkii eege hortiis ma arko.

Meeyer la bedelo waxa kaa xiga fara ku tiris iyo bilo ee kaa u diyaar garooba dhaafa licbad raqiiska waa MASHQUULIS.

WAXAN MURTI KAAGA TEGAYAA.

=========================

GOLE MIDA

MILGA MAGAC LE

MAAMUUS KA TAGA

DHAAFA MORONKIINA

KU MIDOOBA WIXI KAA MAQNAA

MUHASHO DOONKEEDA

KA MASHQUULI WEEYE

KU GARO MARIN HABAWGIISA

MASKAX TUUJIS  MAGAC WAARA

IYO WAA MIDNIMO GUUD.

AW GUULIYO GOLAHA AWDAL.

XAQ U DIRIR

MUSA AW HASAN LODOON

AWDALI DUBAI.

 

COMMENTS
LINKS