Xasan Sheekh oo Guddoomiye Kumeelgaadh Ah U Noqday Isbaahaysi Lagaga Dhawaaqay Muqdisho | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xasan Sheekh oo Guddoomiye Kumeelgaadh Ah U Noqday Isbaahaysi Lagaga Dhawaaqay Muqdisho
September 30, 2018 - Written by Reporter:

Muqdisho (WJN) –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan Soomaaliya dib ugu soo laabtay ayaa maanta loo doortay guddoomiyaha kumeel-gaadhka ah ee Isbaheysiga Midowga Nabadda iyo Dimuqraadiyadda (UPD).

Isbaheysigan cusub UPD, waxaa ku midoobey saddex xisbi siyaasadeed oo kala ah, Daljir,PDP iyo Kut-ladda Horusocod, kuwaas oo xubnaha ku jira ay isugu jiraan Xildhibaanno iyo Siyaasiyiin mucaarad ah.

Xasan Sheekh , ayaa si kumeelgaadh ah  xisbigan u hoggaamin doona lixda bilood ee soo socota, waxaana la filayaa doorashada guud ee madaxda xisbiga UPD in la qabto bisha saddexaad ee sannadka 2019-ka, isla wakhtiyadda ayaa sidoo kale la filayaa Isbaheysigan inuu ku dhawaaqo cidda ku matalaysa doorashada guud ee Soomaaliya ka dhacaysa 2020-ka.

Illaa 80 xildhibaan oo labada aqal ee Baarlamaanka federaalka ah ayaa xubna ka ah Isbaheysigan cusub, sida u sheegay xildhibaan Axmed Macalin Fiqi , oo inta ku daray in laga soo tagay axsaabtii iyo kut-looyinkii ay siyaasiyiintan hore uga tirsanaayeen sida Daljir, Peace and Development Party (PDP) iyo Kut-ladda Horusocod.

Midowga xisbiyadda ayaa ku soo begmaya xilli doorashada lugu wado in Soomaaliya ka dhacdo sannadka  2020-ka ay ku tartamaan xisbiyadda ,iyagoo matalaad ku yeelanaya Baarlamaanka, inkastoo ay jiraan caqabado kala duwan oo hannaanka doorashada wajihi kara oo amniga uu ugu horreeyo.

COMMENTS
LINKS