|
|||||
WAJAALE NEWS
Xaaladda Cisbitaalka Dhimirka Ee Qabri-dahar oo Laga Dayrinayo
September 17, 2018 - Written by Reporter:Qabri-dahar (WJN)- Xarun lagu baxnaaniyo dadka dhimirka ka xannuunsan oo ku taalla magaalada Qabridahar ee dawlad deegaanka Soomaalida ayaa laga cabsi qabaa in albaabada la isugu dhufto ka dib markii ay soo wajahday dhaqaale xumo, sida ay sheegtay Sahra Cabdi Guhaad oo ah maamulaha xarruntaas. Cisbitaalkan waxaa hindisay oo hirgaliyay gabdho qurba joog ah oo iskood isu abaabulay,waxayna bixisaa dawayn, jiif iyo cunto. “Waxaan dawladda cusub iyo madaxweynaha ka codsanaynaa in ay il naxariis leh ku eegto oo masuuliyadda xarunta si rasmi ah noolaga wareegto ama ay miisaaniyad cayiman oo toos ah ugu talagasho meeshaas, maadaama oo aysan deegaanka ka jirin Cisbitaal noocan oo kale ah”. Waxaa jirta baahi wayn oo loo qabo xarrumaha noocaas oo kale ah, dad laga keenay Dhagax Buur, Shilaabo iyo deeganno kale ayaana dawayn loo keenay xarunta dhimirka ee Qabridahar sida ay sheegtay maareeyaha xaruntaas Sahro Guhaad. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|