Wasiiro Xukuumada Ka Tirsan oo Ka Qayb Galay Qalin Jebinta Jaamacada Golis Ee Laascanod iyo Xaalada Nabad Geliyada Gobolka oo Lagaga Hadley | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiiro Xukuumada Ka Tirsan oo Ka Qayb Galay Qalin Jebinta Jaamacada Golis Ee Laascanod iyo Xaalada Nabad Geliyada Gobolka oo Lagaga Hadley
September 27, 2018 - Written by Reporter:

Laascaanood (WJN)– Munaasabad loo sameeyey 130 Arday oo dhamaysatay Jaamacada GOLIS ayaa ka dhacday magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool.

Xafladan oo ay ka soo qayb-galeen mas’uuliyiin xukuumada Somaliland ka socda, bahda waxbarashada, waxgarad iyo Aqoonyahan ayaa xooga lagu saaray xaalada amaanka gobolka iyo horumarinta gobolka.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo khudbad isugu jirta dhiiri gelin iyo dardaaran u jeediyay ardayda qalin jebisay ayaa ku booriyay in aanay ku milmin colaadaha sokeeye oo ay waxka qabtaan dhibaatada ka jirta gobolka.

“Waxaa muhiim ah in aqoontu wax idinka bedesho oo ayaan ku milmin colaada sokeeye, waana idinka kuwa laga rabo in ay wax ka qabtaan dhibaatada jirta” sidaa waxaa yidhi Wasiirka arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin.

Wasiirku waxa kale oo uu intaas ku daray in wixii awoodiisa iyo xukuumad ahaan aysan waxba kala hadhay, 5 qof oo uu isagu bixin doono kharashkoodana ayaanu balan qaaday.

Sidoo kale Wasiirka Biyaha Saleebaan Cali Koore ayaa hambalyo uu u diray ardayda ka sokow waxa uu sheegay inuu la socdey oo hawsheeda wax kaga jirey illaa furitaankii, waxaanu qiray in guul laga gaadhey.

Waxyaabaha soo jiitey dadka waxaa ka mid ahaa Hooyo umul ah oo sidatey ilmeheedii oo bilo jira iyo laba isdhalay oo maanta iyana nasiib u yeeshay in ay mar wada qalinjebiyaan, waxaana labada qoloba balan qaad u sameeyey Wasiirka arimaha gudaha.

Waxgarad, odayaal, arday iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada oo halkaasi ka hadlay ayaa dhamaantood soo dhoweeyey dufcadii u horeysey ee Jaamacada GOLIS dhamaysatay waxbarashada heerkeeda koowaad, waxaanay intooda badan xuseen qabyaalada sidii loogu bedeli lahaa qalin.

 

Wasiirada Xukuumada Somaliland Laascaanoodlaas laas2 aas3 laas4 aas5

COMMENTS
LINKS