|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gudomiyaha Maroodi-jeex oo Ka Hadlay Halka Ay Marayso Diiwangalinta Hantida Dawladu
September 16, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Wasiirka wasaarada Hawlaha guud iyo guryaynta Somaliland Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi iyo Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed oo uu weheliyo ku-xigeenkiisu ayaa waxa ay ka hadleen halka ay marayso hashii diwaan gelinta hantida ma-guurtada ee dawlada Wasiirka hawlaha guud iyo guuryaynta Somaliland oo ugu horayn kulankaasi ka hadley ayaa waxa uu bulshada ku dhaqan gobolka Maroodi-jeex ugu baaqay in ay la shaqeeyaan wasaaradiisa si diwaan gelintaasi ay si sax ah u qabato wasaarada hawlaha guud. Agaasimaha guud ee wasaarada hawlaha guud ayaa waxa uu isna faah-faahin ka bixiyay degmooyinka gobolka Maroodi-jeex ee ay ka socoto diwaan gelinta hantida dawlada. Ugu danbayntii waxaa halkaasi ka hadlay badhasaabka gobolka Maroodi-jeex ayaa waxa uu cod dheer ku sheegay in si wanaagsan ula shaqayn doonaan wasaarada hawlaha guud si ay u diwaan geliyaan hantida ma-guurtada ah ee dawlada.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka Related posts:Waa Maxay Ujeedadda Ugu Weyn Ee Madaxweyne Muuse Biixi Dib Ugu Qarameeyey Haamaha Shidaalka Berbera? Xanuunka Shuban Biyoodka Oo ka Dilaacay Magaalada Kalabaydh Ee Gobolka Sool Iyo Dad Tiro Badan Oo Uu... DAAWO; Suxufiyiinta Ka Hawlgala Gobolka Gabiley Oo Si Adag U Canbaareeyay Xadhiga Labada Wariye Ee... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|