Wasiiradda Gaashaandhigga,Maaliyada Iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka Oo Dhagax Dhigay Cisbitaalka Ciidamada Jsl. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiiradda Gaashaandhigga,Maaliyada Iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka Oo Dhagax Dhigay Cisbitaalka Ciidamada Jsl.
September 27, 2018 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)Wasiirada Gaashaandhiga, Wasiirka Horumarinta Maaliyada iyo taliyaha Ciidanka Qaranka Ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay cisbitaalka ciidamada oo saaka si rasmi ah loo dhagax dhigay kaasi oo noqon doona mid wax weyn ka taraya  baahiyaha xaga caafimaad ee ciidamadka qaranka.

IMG_0701

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay taliyaha Ciidanka Qaranka Nuux Ismaacil Taani oo ku dheeraaday u baahida loo qabo in la kor-dhiyo cisbitaalka ciidanka qaranka oo ah mid wax badan ka taraya kor u qaadida xaaladaha caafimaad ee ciidanka qaranka waxaanu xusay in ay ka ciidan ahaan soo dhawaynayaan cisbitaalkan cusub ee maanta la dhagax dhigayo.

hhhhhhh

Geestiisa waxa isna halkaas ka hadlay Wasiirka horumarinta Maaliyada Yuusuf Maxamed Cabdi oo sheegay ka maaliyad ahaan in markasta ay garab taagan yihiin wax kasta oo kor u qaadaya horumarinta ciidamada kala duwan ee qaranku leeyahay waxaanu sheegay in cisbitaalkana ay wax badan ku kordhinayaan gaar ahaan dhismaha iyo balaadhinta oo joogto noqon doonta taasi oo horseed u noqon doonta in laga maarmo cisbitaalada gaarka loo leeyahay ee lagu daweeyo ciidamada kala duwan.

IMG_0741

Gebo-gebadii waxa halkaasi ka hadlay wasiirka Gaashaandhigga JSL Ing Ciise Axmed Yuusuf(XAWAR) oo sheegay in hamigiisa iyo bilawga qorshihiisa koowaad uu ka mid ahaa sidii loo balaadhin lahaa Cisbitaalka ciidanka Qaranka oo ah mid baahi weyn loo qabo si loo dhawro daryeelka ciidamada, kaasi oo saaka uu si rasmi ah u dhagax dhigay waxaana uu sheegay in uu yahay mid xukuumadu qayb laxaad leh ka qaadan doonto.

COMMENTS
LINKS